Borama-(Lug)-Shabakada ilaalinta xuquuqda carruurta ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano ACPN ayaa waxa ay tobar u qabatay dugsiga H/Dhexe ee Sh. C/laahi Axmed Good.

Tobobarkan oo maanta oo ay taariikhdu tahay 25-March-2010 uu ka  bilaabmay kuna dhamaaday dugsiga laftigiisa. Tobobarkan oo lagaga hadlaayay ilaalinta xuquuqda carruurta ayaa waxaa halkaas ugu horayntii ka hadlay gudoomiyaha shabakadda Mudane Mukhtaar Cusmaan Cabdi oo ka war bixiyey waxqabadyada ACPN-ta iyo waliba muhiimadda uu tobobarkani u leeyahay macalimiinta iyo ardayda dugsiga H/Dhexe ee Sh. C/laahi Axmed Good. 

Waxa kale oo isaguna halkaasi ka hadlay maamulaha dugsiga Mudane Maxamuud Axmed Kaahin oo aad ugu mahadnaqay uguna riyaaqay siminaarkan. Waxa uu Maxamuud aad ugu dheeraaday muhiimadda uu tobabarkani u leeyahay macaliinta, oo uu yidhi macalinku waa waalidka labaad ee ilmaha, sidaas darteed waa in uu ogaadaa uuna bartaa xuquuqda uu ilmuhu ku leeyahay.

Tobobarkan oo ku koobnaa maanta oo kaliya waxa ay macalimiintu barteen casharadan hoos ku taxan:-
1. Xuquuda carruurta
2. Heshiiska ilaalinta xuquuqda carruurta n ee qaramada midoobay (UNCRC)
3. African Charter
4. Somaliland Juvenile Justice Law (Sharciga carruurta sharciga khilaafta)
5. Internation protocols of child protection
Iyo waliba xadiisyo iyo aayada khuseeya ilaalinta xuquuqda carruurt.

Ugu dambaynta waxa siminaarkan kasoo baxay oo la isla afgartay in ay macalimiintu ku dabaqaan waxbarashada ay ka dhigaan dugsiyada, iyo in waliba shabakaddu ay sii wado oo tababaradda iyo dabagalka xuquuqda carruurt.

Wariye
Abokor Xassan Caafi
Lughayanews-Borama