Borama-(Lug)-Shirkadda Isgaadhsiinta telesom ayaa shalay xarun cusub ka furatay magaaladan Boorama, Xarunran cusub ee shirkadda Telsom kana mid ah dhismayaasha ugu dhaadheer magaalada Boorama ayaa xaflad lagu qabtay shalay waxa kasoo qaybgalay masuulyiinta sarsare ee shirkadda telesom , masuulyiinta gobolka Awdal, kan degmada Boorama, masuulyiinta jaamacadda Cammuud, salaadiin, abwaanno iyo marti sharaf kale.
C/qaadir Aadan Nuur madaxa shirkadda isgaadhsiinta telesom ee G/Awdal iyo Selel oo furitaankii xafladdaan ka hadlay ayaa masuulyiinta dawladda kuwa shirkadda iyo martisharafta kaleba uga mahadceliyey kasoo qaybgalka xafladda furitaanka xaruntan cusub, isagoo dhinaca kalena warbixin ku saabsan waxqabadka shirkadda ee heer gobol halkaasi uga jeediyey kasoo qaybgeleyaasha .
Guddoomiye kuxigeenka shirkadda Telsom Maxamuud Xaaji Aadan oo isna munaasbadadda furitaanka xaruntan ka hadlay ayaa ku dheraaday dedaalka shirkaddu u gashay sidii ay bulshada uga haqabtiri lahayd adeegyada isgaadhsiinta , isla markaana ka warramay sida dakhliga soo gala ay dadweynaha dib ugu soo celiyaan wax ka badh .
Guddoomiye kuxigeenka ayaa sidoo kale ka hadlay qorshayaasha shirkaddu ugu jirto tayeynta isgaadhsiinteeda loogana dhigi lahaa mid wakhti la socota mar kasta.
Guddoomiyaha g/Awdal Maxamuud Sh.C/laahi oo furitaankii dhismahan hadal ka jeediyey ayaa shirkadda telsom ku ammaanay horumarka iyo bilicda ay kusoo kordhisay magaalada Boorama isagoo dhinaca kalena guddoomiyuhu shirkladda Telsom uga mahadceliyey ka qaybqaadashada dhinaca horumarinta arrimaha bulshada iyo adeegyada guud .
Xafladdan loo qabtay furitaanka xaruntan cusub ee shirkadda telesom ayaa sidoo kale waxa ka hadlay culimaadduddiin, ganacsato, aqoonyahanno iyo xubno ka socday qaybaha dadweynaha gobolada Awdal iyo Selel kuwaasoo dhammaantood ka warbixiyey sida ay uga faaiideysteen adeegyada shirkadda isgaadhsiinta .culimadii, ganacsatadii iyo masuul;yiimtii halkaasi ka hadashay ayaa waxa ka mid ahaa .sh.C/laahi sh.Cali Jawhar, Prof Suleemaan axmed guuleed , C/laahi Xaaji Ciise, Maayarka Boorama iyo xubno kaleba.
Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyena)
Lughayanews-Borama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Shirkadda Isgaadhsiinta Telesom Boorama Ka Furatay Dhisme Ka Mid Ah Kuwa Ugu Dhaadheer Boorama "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback