Waxqabadka dowladu sheeganaysaayi waa kaniifyo, ma wax la sheegaa ‘”xubin ka tirsan Beesha reer Geeddi..

Borama-(Lug)-Xubno isugu jira madaxdhaqmaeedyo iyo dhallinyaro kasoo jeedda Beesha Reer Geeddi (Ciise) ayaa magaalada Xariirad ee G/selel kasoo saaray bayaan ay ku cambaareynayaan xukuumadda Rayaale isla markaana siyaasad ahaan ku taageerayaan xisbiga Kulmiye ee muicaaradka ah .

Qoraal ay ku saxeexan yihiin ku dhawaad labaataneeyo xubnood oo kasoo jeeda beeshaasi isla markaana uu Lughayanews soo gaadhsiiyey nin sheegtay afhayeen beesha Magacaiisana la yidhaa Ibraahim Suge Good (Afyuub) ayaa waxay ku yidhaahdeen :”Annagoo ka mid ah cuqaasha iyo wagaradka beesha Reer Geeddi ee degaanka Xariirad waxana walaalahayaga reer Somaliland iyo dawladdaba u sheegeynaa inaan taageeradii dhinaca siyaasadda ee aan weligayo siin jirnay xisbiga UDUB aan kala noqonay .arrintaa ama go’aankaa oo aan ku gaadhnay go’aan beesha reer Geeddi ku gaadhay shir ay xariirad ku yeelatay bishan 20dii ayaan sidoo kale ku go’aansannay inaan hadda wixii ka dambeeya an taageeradayada isugu geynay xisbiga mucaaradaka ah ee Kulmiye oo aan u aragno inuu yahay xisbiga ka talin karaya aayaha beesha iyo tan soomaalilandba .”.

Su’aalo aan qaar ka mid ah xubnaha ku saxeexan bayaankan ku weydiiyey khadka teleefanka iyagoo jooga Xariirad ayaa qaarkood ku jawaabeen in sababaha ay uga baxayaan xisbiga UDUB taageeradiisu ay tahay wax qabad la’aan horumar la’aan lasoo deristay dadkii kusoo laabtay dhulkaasi, Cabdi Cumar Meeke kana mid ah xubnaha beeshaasi ayaa yidhi “waxan isku raacnay inaan xisbiga UDUB taageeradii aan kala noqonno iska dhaaf wax uu noo qabtee weli dalba inaan soo gallay ma moodid, mana haynno wax daryeel ah oo naga soo gaadhay dawladda hadday abaaro tahay iyuo hadday taageero kale tahayba”.

Ibraahim Suge Good ayaa isna yidhi “waxaad ogtihiin in dawladdu gobollo iyo degmooyin la bixiyey, annaga weli degmanimadu waa magac uune manfac iyo horumar kuma haynno, sidaa darteed waxaan talo ku gaadhnay inaan xisbiga iyo dawladdiisaba debedda uga baxno”

Cilmi Muuse tukaale ayaa isna yidhi “dawladdu waxay tidhaa waxbaan ka qabannay dhulkaasi oo lacag badanbaa ku bixinnay, horumarka la sheegeyaayi waa kaniifyo (musqulo) ma wax la sheegsheegaa, waar waxan leenahay dadkani dawladda wax taageero iyo gurmad ahba kama hayaan, sidaasaanan uga baxnay “.

Xubnaha ku saxeexan bayaankan :

1. Ibraahin Suge Good
2. Jaamac Cilmi Faarax
3. Idiris Faarax Dugsiiye
4. Maxamad Cabdi Boqore
5. Daahir Yuusuf Dugsiiye(Tarayso)
6. Cabdi Cumar Meeke
7. Cilmi Muuse Tukaale
8. Yaasiin Xaaji Cabdi
9. Xaamud Aw Cumar Xasan
10. Daahir Ibraahim Xaaji
11. Cumar C/Laahi Faarax
12. Maax Daahir Faahiye
13. Xassan Rayaale Suldaan
14. Diiriye Axmad Yoonis
15. Muuse Giire Rooble
16. Maxamad Cige Dirir
17. Cadoosh Rayaale Bulxe
18. Muxumad Maxamuud Geele
19. Cabdi Ducaale Cismaan
20. Maxamuud Bulxe Cabdi

Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyena)
Lughayanews-Borama