Boorama-(Lug)-Wafdi uu Hogaaminayo Ololaha Doorashooyinka ee Xisbiga Udub Mud. Cismaan Cabdilaahi Cigaal Hindi ayaa ku sugan magaalada Boorama, wafdigan oo ilaa imika aan la xaqiijin inta uu joogi doono ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu ku sugnaado Boorama.
Sarkaal magaciisa la yidhaa Cabdi Suldaan Kadiye oo ka tirsan masuuliyiinta heer gobo lee xisbiga Udub ayaa u sheegay shabakada Lughayanews ujeedada safarka wafdigan waxana uu yidhi “ Waxa ay u kuurgali doonaan hawlaha ka socda laamaha kala duwan ee xisbiga ee heer gobol iyo heer dagmo… waxa ay dardar galin doonaan hawlaha xisbiga ee ka socda gudaha gobolka iyo dagmada waxana ay shirar iyo kaulamo kala gooni gooni ah la yeelan doonaan masuuliyiinta iyo taageerayaasha badwaynta ah ee xisbiga.
Wafdigan ayaa kamid ah wafdiyadii ugu waawaynaa ee ka socda xisbiga Udud ee soo gaadha Boorama sanadkan 2010.
Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Gudoomiyaha Ololaha Doorashooyinka X/Udub Mud Cismaan Hindi Oo Boorama Booqasho Ku Jooga "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback