Wariye Haashim Waxa Uu Baahiyay Warar Aan Sal iyo Raad Toona Lahayn…. Iskaashatada Nafaqo
Shaqadaydu Waa Dhexdhexaadnimo.. Ma Jiraan Waxaasi Waxwalba Way Ii Duuban Yihiin….. Wariye Haashim Good…
Boorama-(Lug)-Xubno muhiim ah oo ka tirsan iskaashatada hilibka ee Nafaqo ayaa si kulul u beeniyay warar uu baahiyay Tv-ga ETN habeenimadii xalay ahayd kuwaasi oo uu diray wariyaha ETN ee Boorama Haashim Sh. Cumar Good, dulucda warkaasi ayaa ahaa mid koobsanayay tababar la siiyay daneeyayaasha kala duwan ee kawaanka iyo soo dhawayntii masuuliyiinta FAO ee soo gaadhay Boorama.
Masuuliyiintan qabtay shirkaasi Jaraa’id maanta yaa kala Ahaa Gud. Ku Xigeenka Maxamed Warsame Hami, Xoghayaha Nafaqo Mud. Khadar Cilmi Caalin iyo Mud, Khadar Maxamed Cabdi, waxana ay tilmaameen in warkaasi laga baahiyay TV-ga ETN uu ahaa mid aan sal iyo raad toona lahayn meelka dhacna ku ah mawqifka ay Iskaashatada Nafaqo ka tagan tahay hawlaha kawaanka Cusub.
Khadar Maxamed Cabdi oo ugu horayntii cabirayay ujeedada shirkan Jaraa’id isla markaana ka hadlay sida ay u arkaan warkaasi ay ETN habeenimadii xalay baahisay ayaa waxa uu yiri “Ma garaynayno meel lagu heshiiyay waa war aan sal iyo raad toona lahayn anagu Shahaado ayaan bixinay oo aan u siinay Cadaankii taasi oo ahayd tababarka ay nasiiyeen iyo Kawaanka ay noo dhisayaan anaga oo nafaqo ah… ma garanayo meesha ay ka keeneen warka ay baahiyeen ETN… warkii aan ogayn ee uu ka hadlay gudoomiyahayaga Maxamed Cabdi Gaafane way ka tageen ETN waxana ay soo baahiyeen war aanaan ogayn”.
Waxa kale oo isaguna ka hadlay shirkaasi jaraa’id Mud. Khadar Cilmi Caalin oo isagu ah xoghayaha Nafaqo waxana uu yidhi “Ma jirto meel aan ku heshiinay oo aan ku wada hadalnay kooxda iskeed isku magacawday ee ay ETN tidhi waxa ay maamulayaan kawaanka waa wax aan sal lahayn mana aha wax na anfaca, waxa aan leenahay wararka uu sheegay ninka wariyaha ah ee Haashim Sh. Cumar Good ma naqaan meel uu ka keenay oo uu ka soo helay wararkaas”.
Gudoomiye ku xigeenka Iskaashatada Nafaqo oo isaguna si kulul uga hadlay shirkaasi jaraa’id ayaa waxa uu yidhi “Waxa ay ahayd xaflad aan Rays ku qabanay oo aan masuuliyiin FAO ka tirsan ku soo dhowaynay waxa aan ka maragkacaynaa wax qabadka FAO waxana aan ku wareejinay Shahaado Sharaf warkayagii noocaas ahaa ma soo xigan ETN waxana ay soo xigatay war ay leedahay waxa laga heshiiyay maamulkii kawaanka… ma jirto waxaasi ma ogin warkaasi wariye Haashim Sh. Cumar Good wuu ku xad gudbay saxaafada iyo xarunta uu u shaqeeyo.
Mar ay shabakada wararka ee Lughayanews wax ka waydiisay Gud. Ku Xigeenka Nafaqo Mud. Maxamed Warsame Hami waxa ka jira heshiiska ay wariyayaasha ETN sheegeen ee dhex maray Nafaqo iyo Maamulka Kawaanka waxa uu yidhi “ Ma jirto awalba anaga iyo Dawlada Hoose ayaa kawaanka maamuli jirnay imikana waa intaas ma jirto cid noo dhaxaynaysaama mawqifkayaguna waa cad yahay ma aqoonsanin nimanka suuqa iska magacaabay ee sheeganaya in ay iyagu yihiin maamulayaasha kawaanka.
Dhawr maalmood ka hor ayay ahayd markii ay aqoon iswaydaarsi ay soo qabanqaabisay hayada FAO oo ka dhacay Rays ay wada jir uga wada qayb qaateen xubno ka socda Nafaqo iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan daneeyayaasha kawaanka casriga ah ee la rabo in laga sameeyo Boorama, su’aal ku saabsan in ay ku kulmeen daneeyayaashan iyo xubno ka tirsan Nafaqo aqoon is waydaarsigaas ayaa mar la waydiiyay gudoomiye ku xigeenka Nafaqo Mud. Maxamed Cumar Hami waxa uu ku jawaabay “way jirtaa arintaasi waankala hadalnay masuuliyiintii FAO ee tababarka waday waxana ay nagu qanciyeen inay yihiin daneeyayaal kale oo ay rabaan inay aqoon iswaydaarsigan ka faa’iidaystaan ma sidaas ayaanan ku ogolaanay inay nagala qayb qaataan aqoon iswaydaaarsigaasi.
Dhankiisa ayaa waxa wariye Haashim oo ay Shabakada wararka ee Lughayanews la xidhiidhay u xaqiijiyay inaanay jiran wax uu buunbuuniyay waxana uu yidhi “ Waxa aan hayaa hadal walba iyo wax walba oo duuban… waxa aan baahiyay wixii aan goobjooga u ahaa.. iyaga ayaanan ka soo xigtay in meesha heshiis jiray… aniga wariye ahaan shaqadaydu waa dhexdhexaadnimo mana jiraan waxaasi”
Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Boorama




Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Iskaashatada Nafaqo Oo Beenisay War uu Baahiyay TV-ga ETN Oo Kusaabsanaa Xiisada Kawaanka Boorama Laga Dhisayo "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback