Boorama-(Lug)-Khudbadihii salaadii jimcha ee masaajidada waawayn ee magaalada Boorama ayaa waxa camirtay ducooyin Alle bari ah oo ay culimada iyo dadwaynaha
kala duwan ee ka qayb galay salaadahaasi eebe baryayeen in uu maiibooyinka dhul gariirka baal mariyo.
Masaajidadii sida wayn maanta looga duceeyay ayaa waxa ka mid ahaa masaajidka Jaamac Al-Taqwa ee magaalada Boorama, Sh. Cali Aadan Cali Dheere oo si aad u dheer u duceeyay ayaa umada ugu baaqay inay eebe si wayn u baryaan isla markaana ka ducaystaan masiibooyinka dhul-gariirka, waxa kale oo uu sheikh Cali Dheere xusay in loo bahan yahay in laga wada qayb qaato oo niyad saafdi ah lagu baryo eebe si ay masiibooyinkaasi u baal maraan umada muslinka ah.
Ma ahayn intan oo kaliya balse masaajidada waawayn ee magaalada iyo culimada diinta ee magalada Boorama ayaa ducooyinka maanta u wadaagayay si aad u balaadhan oo Alle kacabsi mudan waxana dulucdoodu ahayd in eebe oo baal mariyo masiibooyinka dhulgariirka umada
Aaaniin Aaamiin Aaamiin Aaaniin Aaamiin Aaamiin Aaaniin Aaamiin
Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Masaajidada Boorama Oo Maanta Siwayn Looga Ducaystay Dhacdooyinkii Is Xigay ee Dhul-gariirka "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback