Boorama-(Lug)-Sida ay sheegayaan wararka shabakada Lughayanews ka soo gaadhaya magaalada Xariirad ayaa tilmaamaya in xabsiga loo taxaabay odayaal aan tiradooda ilaa imika la xaqiijin oo ka mid ah odayaasha iyo wax garadka degaankaasi.
Oday Daahir Yuusuf Dugsiiye oo la soo khadka taleefanka kula soo xidhiidhay shabakada Lughayanews ayaa u sheegay sida ay wax u dhaceen waxana uu yidhi “ waxa aan ka mid ahayn markii hore xisbiga Udub waxa aan bilownay inaan aayahayaga ka tashano , waan shirnay waxana aan ku biirnay xisbiga Kulmiye wixii intaas ka dambeeyay waxa bilaabatay cabudhin, waxana la xidhxidhay qaar naga mid ah qaar kalana waa loo hanjabay”.
Mar uu Oday Daahir Yuusuf Dugsiiye sheegayay cida ay u aanaynayaan xadhigan iyo magacda qaar ka mid ah dadka la xidhxidhay ayaa waxa uu yidhi “ Waxa uu amarka xadhigayagani ka yimid dhinaca Hargaysa waxana na xidhxidhay Cumar Bare iyo Wasiirka ma cadayn midka uu yahay wasiirka uu u aanaynayo inuu xidhxidhay odayaashan dhaqanka…. Isaga oo tilmaamaya qaar ka mid ah odayaasha ilaa hada la xidhxidhaya ayaa waxa uu yidhi waxa xidhan Ibraahim Suge Good, Cabdi Cumar, Aw Axmed Jaamac, Xasan Axmed, Diiriye Axmed iyo Cabdi Cali.
Waxa uu ku baaqay in odayaashan loo soo celiyo xoriyadoodii isla markaana ay xukumadu ogolaato xoriyada muwaadinka.
Haba yaraatee Shabakada uma suurta galin inay khadka isgaarsiinta kula xidhiidho maamulka heer dagmo ee degmada Xariirad.
Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Qaar Ka Mid Ah Odayaasha Dhaqanka Ee Deganka Xariirad Oo Xabsiga Loo Taxaabay "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback