ucid-mud-axmed-m-seed.JPGBoorama-(Lug)- Xidhiidhiyaha iyo Wakiilka Xisbiga mucaaridka ah ee Ucid ee gobolada Awdal iyo Salal Mud. Axmed Muumin Seed oo manta wariysi kooban siiyay shabakada wararka ee Lughayanews ayaa si kulul u cambaayreeyay xadhigii qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ee Degaanka Magaalo cad oo maalintii shalay xabsiga loo taxaabay wax yar kadib markii ay ka soo baxeen shir jaraa’id oo ay saxaafada siiyeen.

Mudane Axmed waxa uu yidhi “Waxa aan aad uga xunahay sida ay xukuumadu ula dhaqmayso odayaasha dhaqanka…. Waxa aan cambaaraynaynaa falkii shalay lagu xidhay odayaasha dhaqanka ee magaalo cad oo iyagu u gurmaday dadkooda kana hadlay sida sharciga baal marsan ee ay maamulka degmadu u maareeyeen raashinkii deeda ahaa ee degaankaas soo gaadhay”

Markale waxa uu ku baaqay Mud. Axmed Muumin Seed in xukuumadu ay xoriyadoodii u soo celiso odayaashaasi waxana uu yidhi “ waxa aan maamulka gobolka ugu baaqaynaa in loo soo celiyo odayaashaas dhaqanka xoriyadoodii isla markaana xushmayn loomuujiyo odayaasha dhaqanka ee degaamada kala duwan ee gobolka Awdal.

Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Boorama