Boorama-(Lug)-Madaxwaynaha Jamahuuriyada Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo wardigii uu hogaaminayay ayaa maanta booqday xarunta jaamacada Camuud iyo Cisbitaalka Alxayaaat ee magaalada Boorama.
wafdiga madaxwaynuhu intii ay booqashada ku gudo jiraan waxa ay goobahaas kula kulmeen masuuliyiinta goobahaas waxana goobwalba oo ay booqdaan wafdiga madaxwaynaha warbixno muhiim ah ka siinayay Gudoomiyaha Jaamacada Camuud Prof. Saleebaan Axmed Guuleed.
Madaxwayne Daahir Rayaale waxa ka muuqday riyaaq aad u sareeya oo uu ka muujinayay waxa uu indhihiisa ku arkay. waxan auu xusay in horu marka ka socda dalku uu yahay mid aan la iska indho tiri karin .
Wafdigan ayaa waxa hor kacay Badhasaabka Gobolka Awdal Maxamuud Sh. Cabdilaahi Cige iyo Maayarka Magaalada Boorama Mud. cabdiraxmaan Shide Bile.
Duhurnimada maanta yaa lagu wadaa inuu madaxwaynuhu ka qayb galo aaska AHUN Marxuum Maxamed Xasan Axmed oo maanta lagu wado in lagu aaso Boorama.
Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Muuqaalo + M/wayne Rayaale Oo Maanta Booqday J/Camuud iyo Cisbitaalka Alxayaat "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback