toronto.jpgToronto-(Lug)-Dalka kanada ayaa  saacadaha labiiriyay bishan march 22/03/2010 waxana lagu daray saacad waqtigii caadiga ahaa ee ay dadku yaqaaneen taasina waxay keentay in labiiriyo waqtiyadii shaqoyinka amma adeega bulshada
 waxa iyadna  uu waqtigu saamayn  weyn ku yeeshay xilliyada la guto salaadaha faradka ah  iyagoo waddanka ayku yalaan masaajido  aad ufarabadan waxana loo kala asteeyay sidan soo socota
 
1)Salaada Duhurka oo ahayd 1;00 duhurnimo imika waxay noqotay 1;45mn
2)Salaada Casr==========  4:00 galbnimo===============5;30mn
3)Salaada Maqrib====== 6:00 maqribnimo===============7:45mn
4)Saalada Cishai=========7;00 habeenimo============= 9;15mn
5)Salaada Fajri========== 6:45arornimo======= =======6:4mn

 
Waqtiga iyo saacadaha  ayaa lasheegay inay sii kordhi doonaan bilaha innagu soo aadan waxana ay noqon doonaan in maalintu ay aad udheeraato habeenkuna uu yaraado  waxana la sheegayaa in cadceedu ay dhici doonto waqtiyada qaarkood ee xagaaga 9 habeenimo   waxana lasoo celin doonaa saacadaha iyo waqtiga biiray bisha sebt ee soo socota, ha yeeshee waa waqti caadi ah oo ay barteen dadka kudhaqan dalkan  oo dhan kaasoo marna laga jaro marna lagu daro saacad ama wax kabadan.
 
Ma aha dalka kanada oo kaliya waxa waqtiyadu isbaddalayaan ee waxa iyaguna la qaba arrintaas dalal ku yaala qaaradaha  Ameerika iyo Yurub kuwaasoo dhammaantood marna labiiriyo marna wax laga jaro lakiin waddamada Afrika iyo qaar kamid dalalka carabta ayaa saacadooda aan marnaba wax laga baddalin waxana lasheegayaa inay ku dhaw yihiin amma ku yaalaan dhulbadhaha adduunka oo aan kafogayn.
 
Dalka kanada oo waqtiyadiisu ay badan yihiin ayaa hadda waxa lagu jiraa xilli roobaad aad uwanaagsan iyado laga soo gudbay barafkii waxana lagali doonaa  waqtiyadii ugu fiicnaa ee shaqada ee loo yaqaano summer-ka  xilligan oo aad looga tixgaliyo dalkan iyo dalalka kale ee lajaarka ah sida maraykanka oo kale waxaa aad ubata shaqooyinka iyo ku socodka dadka iyo gaadiidka intaba maadaama ay jirto cadceed muuqata
 
Dalka kanada siyaasada iyo dhaqaalahaba waxa uu ku xidhan yahay dalka maraykanka ee lajaarka ah oo uu taariikh iyo dhaqanba ay isku mid yihiin waxa kale oo ay wadaagaan xagga luqada  ay iskaga  dhaw dalka ingiriiska  oo isagu maraykanka iyo kanadaba gumaysan jiray  waqtiyo hore oo tagay
 

Wariye:-
Cilmi Yuusuf Caddawe
Lughayanews-Toronto (Canada)