madaxwayne-rayale-iyo-qunujeed-6.JPG

Boorame-(Lug)-Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, oo booqasho ku jooga sadexdii maalmood ee la soo dhaafay ayaa saaka booqday Magaalada Qun-ujeed oo 30 KM dhinaca galbeed kaga beegan magaalada Boorame ee xarunta Gobolka Awdal.

madaxwayne-rayaale-iyo-qunujeed.JPG

Madaxweynaha Somaliland waxa si diiran ugu soo dhaweeyay magaaladii uu ka dhashay Boqolaal qof oo ka mid ah bulshada deegaankaasi ku dhaqan iyo ardayda dugsiyada Hoose/Dhexe iyo Sare ee Magaalada Qun-ujeed kuwaasi oo wadada hareeraheeda la taagnaa caleemo qoyan isla markaana u sacbinayay kuna dhawaaqayay halku dhigyo ay ku soo dhawaynayaan Madaxweynaha kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen “Madaxweyne Soo dhawoow, “Somaliland ha noolaato ha jirto oo ha waarto,iyo erayo kale oo macne ahaan iyo nuxur ahaanba kuwaasi la mid ahaa.

madaxwayne-rayaale-iyo-qunujeed-3.JPG

Madaxweynaha Somaliland wuxuu booqday Dugsiyada Hoose/Dhexe iyo Sare ee Magaalada Qun-ujeed waxaanu galay fasalkii uu fadhiisan jiray xiligii uu dugsiga Hoose marayay waxaanu tilmaamay inuu ahaa Kuraasta Badhtanka kursiga labaad xiligaasi oo ahayd konton sano ka hor.

madaxwayne-rayaale-iyo-qunujeed-4.JPG

Weftiga Madaxweynaha waxa xaalada Magaalada Qun ujeed uga waramay gudoomiyaha Magaalada Qun ujeed C/Laahi Sheekh oo sheegay in xaalada magaaladaasi ay aad u wanaagsan tahay isla markaana ay ka jiraan dugsiyo Hoose/dhexe iyo sareba waxaanu Madaxweynaha ka dalbaday in la sii horumariyo adeegyada bulshada.

madaxwayne-rayaale-iyo-qunujeed-5.JPG

Madaxweyne Rayaale waxa booqashadiisa saaka ee Magaalada Qun Ujeed ku weheliyay Maayarka magaalada Boorame Md. C/Raxmaan Shidde Bile iyo La Taliyaha Wasarada Xidhiidhka Goleyaasha qaranka, Madaxweynuhu duhurkii ayuu dib ugu soo laabtay Magaalada Boorame ee xarunta Gobolka Awdal.

madaxwayne-rayaale-iyo-qunujeed-6.JPG
madaxwayne-rayaalequnujeed-3.JPG
madaxwayne-rayale-iyo-qunujeed-4.JPG
madaxwayne-rayale-iyo-qunujeed-51.JPG
madaxwayne-rayaale-iyo-qunujeed-2.JPG
madaxwayne-rayale-iyo-qunujeed-7.JPG
madaxwayne-rayale-iyo-qunujeed-8.JPG
madaxwayne-rayale-iyo-qunujeed-9.JPG


Wariye:-
Abokor Hassan Affi
Lughayanews-Borama