Boorama-(Lug)-Alle ha u Naxariistee waxa manta magaalada Boorama lagu aasay Marxuum Axmed Ibraahim Cumar ( Axmed Doob) oo ka mid ahaa aabayaashii tacliinta Somaliland gaar ahaan gobolka Awdal, aaska marxuunka ayaa waxa ka qayb galay masuuliyiin cuqaal, arday iyo dadwayne aad u tira badan oo ay ku jiraan shaqsiyaad can ah oo uu marxuunku macalin u soo noqday.
Marxuunka ayaa waxa lagu aasay Qabuuraha Caraqoolaab ee duleedka bari ee magaalada Boorama.
Alle ha u naxariistee Marxuum Axmed Ibraahim Cumar (Axmed Doob) waxa uu sanadii 1945kii ku dhashay degaanka Awbare ee kilinka shanaad ee Itoobiya, waxana uu ku soo barbaaray isla degaankaas oo uu ka galay malcaamadii quraanka.
Alle ha u naxariistee Marxuum Axmed Ibraahim Cumar (Axmed Doob) waxa uu u soo wareegay Somaliya sanadihii 50aadkii dabayaaqadoodii halkaas oo uu waxbarashadiisii ka sii watay. Marxuunku waxa uu ka baxay dugsigii sare ee Camuud waxana uu qaybtiisii hore ee waxbarashada Jamacada ku qaatay Jaamacadii Umada Soomaliyeed waqtigaas oo ahaa intii u dhaxaysay 1972-1975. Marxuunku waxa uu sii watay waxbarashadiisa jaamacada waxana uu shahaadada loo yaqaan M. Sc. Ka qaatay Jamacada Saskatchewan Saskatoon ee dalka Canada intii u dhaxaysay sanadihii 1984-1986.
Alle ha u Naxariistee Marxuum Axmed Ibraahim Cumar (Axmed Doob) waxa uu ka mid ahaa shaqsiyaadka fara-ku-tiriska ah ee sida wayn uga soo shaqeeyay tacliinta Somaliyeed. Marxuunku waxa uu bilaabay shaqada wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sanadkii 1963dii isaga oo ka soo qabtay xilal kala duwan oo isugu jira Agaasime, Maamule dugsi iyo macalin. Waxana siwayn loogu xasuustaa kaalintii uu ka qaatay ololihii qorista afka hooyo ee horaantii sanadihii 70aadkii.
Alle ha u naxariistee Marxuum Axmed Ibraahim Cumar (Axmed Doob) waxa uu ku biiray macalimiintii wax ka dhigti jirtay kuliyadii waxbarashada ee LAFOOLE oo uu ku soo biiray sanadkii 1979kii waxana uu ka gaadhay heerka hormuudka kuliyada culuunta Biology-ga.
Wixii ka dambeeyay burburkii dalkii la odhan jiray Somaliya Marxuunku marna kama dhex bixin tacliinta waxana uu cimrigiisa oo dhan ku qaatay inuu umada Somaliyeed wax baro.
Marxuunku waxa uu guursaday hal xaas waxana uu ifka kaga tagay 8 caruur ah oo kala ah 5 wiil iyo 3 gabdhood.
Inaalilaahi Wa Inaa Ilayhi Raajicuun.
Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Taariikh Nololeedkii Macalinkii Tacliinta Awdal Axmed Doob "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback