qunujeed-ardayda-dugsiga-sare-ee-2010.JPGQul-ujeed-(Lug)-Dhamaysanaysa fasalada afraad ee dugsiga sare ee qulujeed ayaa maanta lagu qabtay  xaflad lagu sabootinaayey ardayda dhamaysanaysa  form fourada sanadkan iyo ardayada fasalada sideedaa ee magaladaasi wax ka barta.

Magaalada quli\ujeed waxay ka mid tahay goobaha ka baxsan gobolka awdal eel eh dugsi sare  marka laga reebo dagmaa boorama, wana markii uugu horaysay ee array secondary ah oo waxbarashada dhamaysanaysa ay ka soo baxaan  .

qunujeed-ardayda-dugsiga-sare-ee-2010.JPG

Schoolkii uugu horeeyey ee qulujeed laga dhisay 1960kii ilaa 2006 intii ka horaysayna  may lahayn dugsi sare , waxaana wax ka bartay dugsiga hoose dhexe ee qulujeed rag mansabsare ka haya Somaliland iyo kuwo kale oo  ku firidhsan dunida dacaladeeda .

qunujeed-ardayda-dugsiga-sare-ee-2010-2.JPG

Hadaba maanta ayaa lagu qabtay xarunta dugsiga sare ee magaalada qulujeed xaflad taariikhiya  oo lagu maamuusayo arday lagu rajowayn yahay inay saddex bilood ka bacdi imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee dalka ka qaybqaadanaya,waxaana munaasibadaa ka qaybgalay maamulka magaalada qulujeed xubno  ka socday gudoonka waxbarashada ee gobolka awdal iyo dadwayne aad u tiro badan  iyo ardayda wax ka baradta dugsiga h/dhexe iyo dugsiga sare ee magaalada qulujeed.

qunujeed-ardayda-dugsiga-sare-ee-2010-3.JPG

Xafladan oo ahayd mid aad loo soo agaasimay waxaa riwaayad ka hadlaysay faaiidada waxbarashadu leedahay iyo hidaha iyo dhaqanka  soo bandhigay ardayda dugsiga sare ee qulujeed .

qunujeed-ardayda-dugsiga-sare-ee-2010-4.JPG

Waxaa munaasibadaasi ka hadlay gudoomiyaha magalaada qulujeed  C/laahi Ismaaciil Muruud  wuxuuna sheegay in sanadkii 1956 la dagay magaaladaasi ayna ka koobantahay toban tuulo oo kala duwan dadka ku dhaqana ay ka manaafacaadsadaan xoolaha nool iyo beeraha ,wuxuuna uuga mahad celiyey wasaarada waxbarashada dadaalka ay u gashay sidii magaaladaasi ay u heli lahayd dugsi sare .

qunujeed-ardayda-dugsiga-sare-ee-2010-5.JPG

Waxaa isaguna munaasibadasi ka hadlay  maamulaha dugsiga sare ee qulujeed Maxamed Sh.C/laahi Geele wuxuuna  cadeeyey in ujeedada xafladu ka koobantahay saddex oo uu ta koowaad ku tilmaamay ardayda dhamaysanaysa fasalada afraad ee dugsiga sare ,halka talabaadna uu cadeeyey fasalada siddeedaad ee dugsiga h/dhex e  ardayda dhamaysatay
Iyo laba macalin oo jaamacad camuud u soo dirtay inay dugsigaasi sare wax ka dhigaan oo lagu sii sagootinaayey munaasibadaasi quruxda badan.

qunujeed-ardayda-dugsiga-sare-ee-2010-6.JPG

Maamulaha dugsiga h/dhex C/laahi Cumar X.Cabdi ayaa isaguna ka waramay heerarkii kala duwanaa ee waxbarasha magaaladaasi soo martay .

qunujeed-ardayda-dugsiga-sare-ee-2010-7.JPG

Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay  Maxamed Muuse Budin  oo ka mid ah dadka dhaqaalo ahaan  inay ka qaybqaataan  meelmarinta  iyo socodsiinta waxbarashada dugsiga sare ee qulujeed wuxuuna mahad balaadhan u jeediyey wasaarada waxbarashadu tacabka badan  ee ay galisay  kuna suurto galisay in ardaydii ka soo bixijirtay fasalada 8aad ay fursad u siisay in ay aqoon ku helaan  gurigoodii.

qunujeed-ardayda-dugsiga-sare-ee-2010-8.JPG

Waxa isaguna halkaasi ka hadlay sargaal ka socday gudonka waxbarashada gobolka awdal Maxamed Rooble  Xoosh wuxuuna xusay in dugsiga qulujeed oo waxbarashadiisa aan la kawsanay  1960kii laguna bilaabay 33 arday  waxaana macalin kamida macalimiintii wax noo dhigaysay mid ka mid ah ayaa waxa uu na odhan jiray ayuu yidhi “waxaad tihiin madaxtii barito waxana idinku dhex jira  madaxwaynihii dalka arintaasi oo anu been u haysanay  waxay noqotay in madaxwaynaha Somaliland  mudane Daahir Riyaale Kaahin  uu maanta madaxwayne ka yahay maanta dalka  waxaanay ahayd wakhtigaasi 50 sano ka hore wuxuuna kula dardaarmay ardayda  inay ku dadaalaan sidii ay u sii korodhsanlahayeen cilmigooda”.

qunujeed-ardayda-dugsiga-sare-ee-2010-9.JPG

Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay gudoomiye ku xigenka waxbarashada G/awdal  Xasan  Aye Subagle oo isaguna ka hadlaayey munaasibadaasi  ayaa sheegay in qulujeed ay tahay marka laga reebo dagmada boorama  in deegaanada kale ee G/awdal  ay tahay goobta kaliya ee dugsi secondary ah  fasalka afraad saddex bilood ka bacdi ka qalin jabinayaan arintaasina uu ku tilmaamay  inay  faan,dhiiri galin iyo wax lagu farxo u tahay dadka ree qulujeed ee gacanta ku siyey wasaarada waxbarashada inay dugsi sare hesho.

qunujeed-ardayda-dugsiga-sare-ee-2010-10.JPG

Waana  markii uugu horaysay ee meel ka baxsan magaalada boorama G/awdal oo dhan laga helo meel secondry caruurtoodu ka qalinjabinayaan.

qunujeed-ardayda-dugsiga-sare-ee-2010-11.JPG
qunujeed-ardayda-dugsiga-sare-ee-2010-12.JPG
qunujeed-ardayda-dugsiga-sare-ee-2010-13.JPG
qunujeed-ardayda-dugsiga-sare-ee-2010-14.JPG
qunujeed-ardayda-dugsiga-sare-ee-2010-15.JPG


Wariye:-
Abokor Hassan Affi
Lughayanews-Qul-Ujeed