maskaxmaal-iyo-buugii-dr-saleebaan.JPGBorama-(Lug)-Madasha maxkaxmaal ee magaalada Borama ayaa hebeen hore waxa lagu soo buug ka hadlayay soo jireennimada Somalida ee bilowgii qarnigii 19-aad kaasi oo lagu qeexayay in carabtu ay Somaali ka soo jeedaan ayaa Prof Saleebaan Axmed Walhad oo buugan qoray ayaa waxuu tusaaloyin badan u soo qaatay in Fircooniyiintii, Nuubiyiinta ee Masar ay ka tageen dhanka Somalida taasi oo cadaynaysa in ay Somaali yihiin waxa ay isticmaali jireen waxyaabaha Somalidu caanka ku tahay sida Hangoolka, Adhiga iyo Magacaanta dadkeena loo bixiyo.

maskaxmaal-iyo-buugii-dr-saleebaan.JPG

Waxa kale oo uu cadeeyey in meelaha qaarkood sida Laasgeel oo dhinaca bari ka xigta Hargeysa laga helay astaamihii lagu yiqiinay Fircooniyiinta isagoo xitaa carabka ku dhuftay in buurta Eelo waxyaabo cadaynaya inay Somali ka soo jeedaan ay adeegsan jireen oo laga helo Buurtaasi.

maskaxmaal-iyo-buugii-dr-saleebaan-2.JPG

Waxa madasha Maxkaxmaal oo habeenkaasi ka duwanaa habkii hore ee dadka soo gali jireen ay u badnaayeen oo kaliya dhalinyaro ayaa waxa ka muuqday wajiyo ku cusbaa ka soo qayb galka ka soo qaybgalka buugaasi oo iskugu jiray Salaadiin, Aqoonyahan, Dhalinyaro wiilal iyo Gabdho leh oo aan wakhtiyadii aan ku kulmi jirin goobtaasi taasina waxay dhalisay in dood badan oo laga soo jeedinayo buuga iyo ka hadalkiisa ay ka dhalatay halkaasi isla markaana lagu hadal hayo goobaha dadku ku badan yihiin ee badhtamaha magaalada Borama ee hore loogu soo hadal qaad jirin Taariikhda Somalida.

maskaxmaal-iyo-buugii-dr-saleebaan-3.JPG

Waxa isaguna halkaasi mid ka mid qabanqaabiyaasha madasha Maskaxmaal waxuuna sheegay in 2008 la aasaasay ururkan Akhriska ee Maskaxmaal balse waxa uu sheegay in duruufo badan oo dhinacyo badan ah ay ku gadaaman yihiin loona baahan yahay in intiina ka soo qayb galayaashu ay kaaalintooda ka qaataan.

maskaxmaal-iyo-buugii-dr-saleebaan-4.JPG

Gudoomiyaha ASARDA ee horumarinta wadooyinka gobolada Awdal iyo Salal Prof Xasan Cali Cismaan ayaa isna mahadnaq balaadhan u soo jeediyay maamulayaasha maxkaxmaal kuna tilmaamay inay tani tahay mid xaga tayaynta waxbarashada ee da’ayarta sare u qaadaysa loona baahan yahay in la is garab taago.

maskaxmaal-iyo-buugii-dr-saleebaan-10.JPG

Waxa iyaguna halkaasi hadalo ka soo jeediyay Salaadiin iyo Marti sharaf kale oo aragtiyo kala duwan laga dhiibtay halka ay ka soo jeedaan qoomiyada Somalidu.

maskaxmaal-iyo-buugii-dr-saleebaan-11.JPG
maskaxmaal-iyo-buugii-dr-saleebaan-13.JPG
maskaxmaal-iyo-buugii-dr-saleebaan-14.JPG
maskaxmaal-iyo-buugii-dr-saleebaan-15.JPG
maskaxmaal-iyo-buugii-dr-saleebaan-16.JPG
maskaxmaal-iyo-buugii-dr-saleebaan-17.JPG
maskaxmaal-iyo-buugii-dr-saleebaan-24.JPG

Wariye:-
Abokor Hasan Affi
Lughayanews-Borama