Waxaan u mahadcelinayaa siday arrintaasi noogala shaqeeyeen ciidamada federaalka Itoobiya iyo Booliska Aw Barre “ Taliyaha saldhigga Boorama..

Borama-(Lug)-Ciidanka amniga Magaalada ayaa aakhirataankii ku guuleystay soo qabashada gacan kudhiiglayaal Boorama ku dilay nin beeralyey ah 12kii bishan kaddib markii uu soo dhexgalay khilaaf la xidhiidha sheeshashada beerta lagu dilay marxuumkaasi .kuna taal galbeedka magaalada Borama.

Dilkan loo geystay ninka beeraleyda ah oo asal ahaan kasoo jeeda gobolada koonfureed ee soomaaliya gaar ahaanna degaanka Muqdisho ayaa labadii maalmood ee u dambaysayba gurmad loogu jiray sidii loosoo qaban lahaa kaddib markii gacan kudhiiglayaashaasi baxsadeen .

Taliyaha saldhiiga Booliska Boorama Muuse C/laahi Hanfi (kaadhiin )oo an arintan wax ka weydiiyey ayaa ii xaqiijiyey inay gacanta kusoo dhigeen gacan kudhiiglayaaashaasi isagoo yidhi “Ilaahay mahaddiiye gacan kudhiiglayaashaasi dilka u geystay marxumkaasi oo kala ah wiil iyo aabihii ayaan kasoo qabannay meesha la yidhaa Salaxley yare , kuna taalla badhtama kilika shanaad ee dalka Itoobiya .Waxaan ugu mahadcelinaynaa ciidanka federaalka Itoobiya ee ka hawlgala aagga Aw Barre iyo ciidamada jooga halkaasi iyagoo ciidankaasi gacan wanaagsan naga siiyey soo qabashada gacan kudhiiglayaashaasi .Waxan markii hore ka baqaynay inay aniga gaadhigaygaba iyo ciidankaba ila socdayba na qabsadaan hase yeeshee way na raaceen iyagoo gaadiidkoodii wata , waxanan gaadhnay goob taag ah oo ay nimankaasi ku dhuumanayeen .waxa kale oo aan u mahadcelinayaa adkaysiga ciidanka amniga Boorama u adkaysteen baadigoob shan saacadood ka badan oo ay buur iyo bannaanba u mareen sidii loosoo qaban lahaa taasoo sababtay inaan gacanta kusoo dhigno raggaasi, sharcigaana la horekeenayaa si degdeg “

Dilkan loo geystay marxuumkan dhalasho ahaan kasoo jeeda beelaha koonfureed ee soomaaliya isla markaana tobannaan sannnadood ka mid ah beeraleyda degaanka Boorama ayaa laga bixiyey dareen cadho leh ,dilkiisuna saamayn ku yeelan lahaa dadweynaha reer Somaliland ama reer Boorama ee ku nool koonfurta soomaaliya , waxayna dad badani u arkeen in soo qabashada gacanku dhiiglayaashu baajisay aragtiyo cadaawadeed oo reer koonfureedka ku sugan Somaliland ka qaadan lahaayeen dawladda iyo shacbiga reer Somaliland .

Intii ciidamada amniga Boorama baadigoobka ugu jireen ragga dilkaa geystay ayaa dhinaca kale dad gadoodsan oo xidhiidh la leh marxuumkaasi dab qabadsiiyeen guriyihii iyo hantidii ay lahaayeen, dabkaasina baabiiyey guud ahaanba dhulkii ay deggenaayeen gacankudhiiglayaashaasi .

Sida uu sheegay taliyaha saldhigga Booliska Boorama, waa markii saddexaad ee ay gacankudhiiglayaal dil ka geystay degaanka Boorama kasoo qabteen dalka deriska ah ee Itoobiya ,iyadoo laba jeer oo hore u ciidankaasi kasoo qabtay ku dhawaad lix qof oo Boorama ka geystay dilal noocan oo kala ah ,una baxsaday dhinaca kilika shanaad .

Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyena)
Lughayanews-Borama