Hargeysa-(Lug)-Warsaxaafadeed uu soo saaray afhayeenka Madaxtooyada, Siciid Cadaani Mooge, ayaa isaga oo dhamays tiran waxa uu u qornaa sida tan ‘’Golaha Wasiirada
Jamhuuriyadda Somaliland waxay si wada jir ah u ansixiyeen Miisaniyadii Qaranka ee sanadkan 2010.
Fadhiga Golaha Wasiiradu ay Maanta Miisaniyadda ku Ansixiyeen oo uu Gudoominayey Madaxweyne ku Xigeenka JSL. Mudane Ahmed Yuusuf Yaasiin waxay si qoto dheer uga doodeen qaybaha kala duwan ee Miisaniyadu ay ka koobantahay. Waxa isna ka cudur daartay dib u dhaca Miisaniyaddan sanadkan Wasiirka Maaliyadda Mudane Xuseen Cali Ducaale “Cawil” oo Golaha u sheegay in sobobaha Dib u dhaca ay ugu wacantahay arimo farsamo.
Miisaniyada sanadkan oo ka badan tii sanadkii hore iyada oo lagu daray lacagayow loo kordhiyey adeegyo ku tacaluqa danta guud ee Qaranka, waxaa la filaayaa in loo gudbiyo Golaha Wakiiladda ee Somaliland todobaadkan soo socda si ay u ansixiyaan’’.
Somaliland nation




Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " G/Wasiirada S/land oo Maanta Ansixiyay Miisaaniyadda sanadka 2010 "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback