007.JPGBorama-(Lug)-Tartanka kubada Cagta ee jaamacada EAU ayaa ka bilaamay  garoonka kubada cagta ee   magaalada boorama taasi oo ah tartanka loo qabto dhalinta  wax kabarata jaamacada Eelo oo ka mid jaamacadaha ku yaala dalka gaar ahaan G/Awdal tartankani oo si heer sare loo soo agaasimay ayaa hada maraya meel rajo wanaagsan.

007.JPG
 
Tatanka kubada cagta ayaa waayadan danbe ku yar  in laga ciyaaro kulamadii loo qaban jiray dhalinta hase yeeshee  mar aan waxka waydiiyay gudoomiyaha ciyaaraha jaamaca  Eelo American University  mr C/casiis Maxamad  Diiriye  oo iasgu ahaa ciyaartooyadii horay uga safan jiray gagada ciyaaraha ee magaalada Boorama ee G/Awdal ayaa iishegay kana war bixiyay xalada tartanka kubada cagta ee jaamacada”EAU” waxaana ka mid ahaa hadaladiisii sidan.

009.JPG
 
“Walaalo waxaa horta yareeyay tartanadii kubada cagta  roobabka oo saamayn wayn kule madasha ciyaarta iyo isu socodka dhalintaba sidaadaraadeed ayaa ay u yaraadeen kulamadii kubada cagta ee dhalintu imikana waxaa laga qabtaa magaalada kulano jaamacadaha iyo dugsiyada sare  iyado dhawaan ay ka bilaamantay gabo bana tahay taratankii jaamacada Camuud  iyaga oo ay kahoreeyeen kuwii dugsiyada sare ee magaaladu   sidaa darteed waxaan rajaynaynaa inuu noqdo mid ka duwan kulamo ciyaaredka kalaba ee ka dhaca Garoomada magaalada Borama”.

016.JPG

Dhanka kale garsoore C/qaadir Nuur Daahir oo kamida garsoorayaasha heer gobol oo maanta daadihinaaya ciyaarta ayaa uga digay dhalinyarada kala duwan ee ku dhaqan magaalada Boorama  iyo kuwa kalaba inay ka mashuulaan oo ay u janjeedhsamaan dhinaca balwadaha oo waayadan danbe  ay dhalinta intii hadhay ku hawlan yihiin.

023.JPG

Kulankani oo ahaa kalan sanadeedkii  jaamacada EAU ayaa ay ardayda jaamacada eelo ay aad ugu riyaaqeen  iyaga oo ay fasalwalba kawar haydoono natiijada  u kudanbayn doono fasalkiisu.

030.JPG
034.JPG

 

Wariye:-
Yuusuf Cabdi “indho qurux”
Lughayanews-Borama