Kulmiye waxa haddii uu guulaysto wuxu soo dhisi doonaa dawlad tayo leh oo tiro yar oo saacado kooban shaqaysa. Waxa aannu wax ka qaban doonnaa tayaynta iyo horumarinta Ciidamada Qalabka sida, kobcinta dhaqaalaha, la dagaallanka saboolnimada.” Axmed-Siilaanyo.
Hargeysa-(Lug)-Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE, ayaa maanta soo bandhigay barnaamij-siyaasadeedkiisa, haddii uu ku guulaysto doorashada Madaxtooyada ee la filayo inay sannadkan dalka ka qabsoonto, isla markaana waxa uu KULMIYE shaaca ka qaaday inuu furi doono Ururrada Siyaasadda oo ay Xukuumadda iyo Xisbigeedu hore ugu adkaysteen inaan sharci ogol in Ururro siyaasadeed la furtaa shuruucda dalka ku jirin.
Munaasibad ballaadhan oo Xisbiga KULMIYE maanta ku qabtay Huteel Maansoor ee Magaalada Hargeysa oo ay ka soo qaybgaleen boqollaal qof oo isugu jira Masuuliyiinta sar-sare ee Xisbigaas, Xildhibaannada Golaha Wakiillada kaga jira Xisbigaas, Golaha dhexe iyo dadweyne tira badan oo ka mid ah taageerayaasha KULMIYE. Waxaana khudbado dhaadheer ka jeediyey Hoggaanka Xisbiga KULMIYE, qaar ka mid ah Xubnaha Golaha dhexe ee Xisbigaas iyo Xildhibaanno.
Sidoo kale, waxa ka qaybgalay Salaadiin, Cuqaal, Abwaaniin, Culima-udiin, Fannaaniin, Xubno ka kala socday Hay’adaha Caalamiga ah ee dalka ku sugan, kuwa waddaniga ah iyo Ururrada Bulshada.
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa xafladdaas ka akhriyey khudbad qoraal dheer oo uu sharraxaad kaga bixiyey barnaamij-siyaasadeedka Xisbigiisu dalka ku hagi doono haddii uu talada dalka ku guulaysto doorashada soo socota. “Haddii Eebbe idmo oo la ii doorto Madaxweynaha dalka doorashada soo socota, waxaan ballan-qaadayaa inaan caddaalad iyo sinnaan ku hogagaamin doono dalka, ma noqon doonno sida Xukuumadda maanta talada haysata kuma mashquuli doonno lacag urursi, hanta buub, dhul iibsi iyo dillaalnimo. Waxaannu ka shaqayn doonnaa horumarinta siyaasadaha arrimaha gudaha iyo dibadda, waxaannu ka shaqayn doonnaa horumarka dalka iyo dadka, xidhiidhka caalamiga ah iyo guud ahaanba dhinac kasta oo horumar ah,” ayuu yidhi Siilaanyo.
Axmed-Siilaanyo oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaa ku daray oo yidhi, “Waxaannu ka shaqayn doonnaa horumarinta Waxbarashada, caafimaadka. Waxaannu horumar gaadhsiin doonnaa, wax soo saarka Beeraha, horumarinta iyo suuq u raadinta xoolaha nool, kalluumaysiga, khayraadka dabeeciga ah iyo wixii la mid ah. Waxaanu wax ka qaban doonnaa la dagaalanka budhcad-badeedda iyo argagixisada. Haddaanu guulaysanno, waxaannu furi doonnaa Xisbiyada siyaasiga ah (Ururrada-siyaasiga ah). In la qoro taariikhda halgankii SNM, in la tira koobo, lana daryeelo Naafada iyo Agoomaha SNM. In dhalinyaradu da’doodu tahay 25 jir ay ka qaygalaan siyaasadda, halka maanta dastoorkeennu ka dhigayo 35 jir qof ka yari inaanu siyaasadda ka qaybqaadan karan.”
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE, Md. Siilaanyo, waxa uu sheegay in haddii uu doorashada Madaxweyna-nimada inuu soo dhisi doono Xukuumad tira yar oo tayo badan, waxaana ka mid ahaa hadalladiisii oo uu yidhi, “Kulmiye waxa haddii uu guulaysto soo dhisi doonaa dawlad tayo leh oo tiro yar oo saacado kooban shaqaysa. Waxa aannu wax ka qaban doonnaa tayaynta iyo horumarinta Ciidamada Qalabka sida, kobcinta dhaqaalaha, la dagaallanka saboolnimada, horumarinta haweenka, dhalinyarada, ciyaaraha iyo wixii la mid ah. Sidaas ayaa naga ballan ah oo haddii aannu guulaysanno nagula xisaabtamaysaan walaalayaal.”
Waxa iyaguna Xafladdaa ka hadlay Masuuliyiin tira badan oo ka mid ah Hoggaamiyayaasha Xisbiga KULMIYE, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen, Guddoomiye ku-xigeenka koobaad ee Golaha Wakiillada Cabdicasiis Maxamed Samaale, Musharaxa jagada madaxweyne ku-xigeenka KULMIYE Cabdiraxmaan Ismaaciil Cabdillaahi (Cabdiraxmaan-Saylici), Fu’aad Aadan Cadde iyo xubno kale oo fara badan. Dhammaantood waxay ballan-qaadeen barnaamij-siyaasadeedka Xisbigu soo bandhigay inay kaga dhabayn doonaan, isla markaana haddii KULMIYE waxa uu ballan-qaaday kaga dhabayn waayo, ay dhalliilihiisa farta ugu fiiqi doonaan, sida ay maantaba u muujiyaan dhalliisha Xukuumadda Madaxweyne Rayaale ee talada dalka haysa wakhtigan.
Xisbiga KULMIYE waxa uu in ka badan 500 oo qof oo taageerayaal ah, u qaybiyey Buug ka kooban 57 bog oo lagu daabacay guud ahaanba barnaamij-siyaasadeedka KULMIYE iyo himilooyinkiisa mustaqbalka. Ugu dambayntii Guddoomiyaha KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa Shahaado-Sharaf Madashaas ku guddoonsiiyey Suldaan Daakir oo ka mid ah Salaadiinta Beelaha reer Somaliland.
Ramaasnews


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " X/KULMIYE Oo Soo Bandhigay Barnaamij-Siyaasadeedkiisa Haddii Uu Talada Dalka Ku Guulaysto, Kuna Dhawaaqay Inuu Furayo Ururrada Siyaasiga Ah "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback