boorama-iyo-culimada-diinta-2.JPGBoorama-(Lug) Culimada Waawayn ee Magaalada Boorama ayaa maanta khudbadihii salaadii Jimcaha ku soo qaatay mawduuc ay kaga waramayayeen hadalka wanaagsan,
 waxana uu mawduucani si toos ah u taabanayay suxufiga iyo saxaafada waxana uu tilmaamayay in loo baahan yahay in bahda wararbaahintu ay baahiyaan warar sax ah isla markaana ka dheeraadaan wararka aan salka iyo raadka toona lahayn ee ay baahinayaan.

boorama-iyo-culimada-diinta-3.JPG

Mawduucan ayaa waxa uu soo ifbaxay kadib markii 7aadkii hore ay daabacday shabakada wararka ee Lughayanews maqaal ay cinwaan uga dhigtay “Culimaa’udiin Ka Kala Yimid Magaalooyinka Somaliland oo Boorama Shir Uga Bilowday”, isla markaana waxa ay culimadii maanta ka hadashay masaajidyada oo qaarkood mawduuca si qayaxan y taabteen halka ay qaar kale si dul xaadis ah uga hadleen ay ka sinaayeen inay beeninayeen in sharkaasi ay ogaayeen ama uu ahaa mid ay ka qayb qaateen.

boorama-iyo-culimada-diinta-2.JPG

Sheekhul Baladka Magaalada Boorama Sh. Cabdilaahi Sh. Cali Jawhar oo isagu ka hadlay Masjid Jaamaca Qadiimiga ah ayaa yidhi “ Shabakada Lughayanews ayaa daabacday warka shirkaasi ka dhacay Boorama ee ay culimaa’udiinka waawayn ee Somaliland iyo Boorama ku kulmeen oo socday 15-19kii bisha… anagu hadaan nahay culimaa’udiinkii ee gobolka Awdal wax aaan ka ognahay ma jirto, waan la xidhiidhay Sh. Cali Dheere Sh. Saaweer Sh. Xasan Daheeye Sh. Cali Shucayb, Sh. Xasan Khayre, iyo Sh. Cilmi waxana ay ii sheegeen inaanu jirin shirkaas ay culimada waawayn ee Somaliland ku qabsatay Boorama aniguna waxaan keeyahay kama war qabo shirkaas wax jirana ma aha”.

boorama-iyo-culimada-diinta-5.JPG

boorama-iyo-culimada-diinta-6.JPG

boorama-iyo-culimada-diinta-4.JPG

Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Boorama