asarda-iyo-dug-al-aqsa-4.JPGBoorama-(Lug)-Guddomoyaha hayada ASARDA Prof. Xasan cali Cismaan oo ay weheliyaan Gud. ASARDA Mud. Cabdiqaadiir Aadan Nuur iyo Basre Jire oo xubin ka ah hayada ASARDA
 ayaa maanta la kulmay ardayda dugsiga sare ee Al-aqsa ee magaalada Boorama, kulankan maanta oo ay si wayn u soo camireen ardayda macalimiinta iyo maamulka dugsigaasi ayaa u muuqday tartan dhinaca khayrka ah oo dhexmaraya dugsiyada kala duwan ee magaalada Boorama isla markaana ku aadan kaalintii uu dugsi walba ka qaadan lahaa dhismaha wadooyinka gobolada Awdal/Salal.

asarda-iyo-dug-al-aqsa-4.JPG

Gudoomiyaha hayada ASARDA Prof. Xasan Cali Cismaan oo madashaas ka jeediyay khudbad taariikhi ah ayaa ka mahadnaqay soo dhowaynta diiran ee loo sameeyay, waxa kale oo uu xusay in dugsigani uu yahay mid taariikhdiisa waxbarashada kaga jira meel aan la iloobi Karin waxana uu sheegay inuu yahay  goobtii uu ka baxay waqtii uu ardayga dugsiga dhexe ahaa waxana uu yidhi “ kaligay ma aha balse waxa jira dad badan oo ka baxay dugsigan waana ii farxad inaan maanta soo horjoogsada arday dhiganaysa dugsigaygii idinkana sidaas oo kale ayaan idiin rajaynayaa”.

asarda-iyo-dug-al-aqsa-2.JPG

Mar uu Prof. Xasn kala hadlayay ardayda ahmiyada waxbarashada ayaa waxa uu ku dheeraaday tusaalayaal waaqici ah oo ku aadan waxbarashada iyo ahmiyadeeda waxana uu xusay inay waxbarashadu tahay mida himilada u samaysa qof walba waxana uu yidhi “waa laga maarmaan inaad maanta wax barataan si aad u noqotaan kuwo himilo iyo hiigsi isku lamaan leh barina u anfacdaan dalkiina”.

asarda-iyo-dug-al-aqsa-5.JPG

Mar uu ka hadlayay Prof. Xasan  ahmiyada hormarinta wadooyinka ayaa waxa uu sheegay inay lagama maarmaan u tahay hormarka casiriga ah ee maanta ee ay adraydu doonayso inay bari ka midho dhaliso, isaga oo ka waramayay sida looga gun gaadhayo arimaha hormarinta wadooyinka ayaa waxa uu yidhi “ waxa aad tihiin muruqii iyo maskaxdii umada waxa aan aaminsanahay hadii aan isku darsano labadaas waan ka midho dhalin karnaa waxana aan maanta idiin soo hor istaagay inaan idiinku baaqo inaan iskaashano….. waanan ku kalsoonahay inaan noqonayno dad is kaashada”.

basra-jirde-asarda.JPG

Prof. Xasan isaga oo ka waramayay waxa uu ka filayo dugsiga sare ee Al-aqsa maanta ayaa waxa uu yidhi waxa aan doonayaa inaad ka qayb qaadataan deeqda qaadhaanka ah ee wadooyinka… waxa aan leeyahay in aad cidwalba waxa ay awoodo kaga qayb qaadato qaadhaan ahaan isla markaana lagu hagaajiyo maamulka dugsiga… ma aha intan oo kaliya waxase aan filayaa in hawlaha socda aad kaalin muuqata ka qaadan doontaan.

gud-asarda-prof-xasan-cali.JPG

Gud. Ku xigeenka hayada ASARDA Mud. Cabdiqaadir Aadan Nuur isaguna hadalka qaatay ayaa xusay in uu aad ugu kalsoonyahay tartanka dhinaca khayrka ah ee ardayda iyo inta wax bixinta jecel u dhaxeeya waxana uu yidhi “ Waa wax midho dhalay waana hubaal in dugsiga Al-aqsa oo ay dhigtaan 800 oo arday inkabadan in uu noqon doono mid baal dahab ah ka gala tartankaasi”. Mar uu mud. Cabiqaadir ka hadlayay ahmiyada is kaashiga ayaa waxa uu yidhi “ wax muhiim inaan iskaashano waana lagama maarmaan inaan is barbartaagno hawlaha wanaaga ah ee uu wado Prof. Xasan iyo hayada ASARDA”.

Basra Jirde oo iyaduna ka hadashay madashan ayaa ardayda ku dhiiri galisay waxbarashada iyo ka qaybqaadashada hormarka bulshada, waxakale oo ay xustay in hawsha taalaa ay aadu badan tahay isla markaana aanan loo bahnayn inay ardaydu is kalifaan waxana muhiim ah ayay tidhi in qofwalba waxa uu karayo uu kaga qayb qaato balantuna ay tahay inay maalin maalmaha ka mid ah ka midho dhaliyaan riyada dad badan oo ku nool gobolada Awdal iyo Salal.

asarda-iyo-dug-al-aqsa-3.JPG

Intii ay munaasibadani socotay ayaa waxa hadalka iska daba qaatay maamulka macalimiinta iyo ardayda dugsiga waxana intuba ay ka sinaayeen sida ay heelanka ugu yihiin ka qayb qaadashada hormarinta wadooyinka… waxa kale oo ay madashaas ardayda qaar iyo macalimiintuba kaga dhawaaqeen inta uu leegyahay qaadhaanka ay bixinayaan ee ay ugu yaboohayaan wadada.

Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Boorama