Boorama-(Lug)-Gudoomiyaha hayada samaynta wadooyinka gobolada Awdal iyo Salal Prof. Xasan Cali Cismaan ayaa maanta sababeeyay waxa ay u qabsoomi wayday bilowgii 5ta km ee u horeeyay ee wadada isku xidha Dila iyo Camuud oo lagu waday inay bilaabato 24ka bishan April 2010.
Gudoomiye Prof. Xasan Cali waxa uu yidhi isaga oo la hadlayay saxaafada “ Waxa noo qorshaysnayd inaan maanta bilowno hawshii 5ta km ee u horaysay ee isku jidka, ilaahy ma qadarinin inaan maanta bilowno waxa dhacay farsamooyin yaryar isku kaaya qaban waayay waanan ka gudbanaa dhawaan waxaanan rajaynaynaa inaan ka gudubno kana badan mayso hadii alle idmo 7aad waanan bilaabaynaa hadii alle idmo”. Waxa kale oo uu xusay in ilaa hada ay socdaan hawlihii sahanka ahaa ee hordhaca u ahaa dhismaha wadada waxana uu xusay in ay arinta dib u dhacday ay tahay dhagaxdhigii u horeeyay, isaga oo hadalka sii wata ayaa Prof Xasan waxa uu dib u dhacaas farsamo ka raali galiyay bulshada.
Hadalkan waxa uu ka soo yeedhay gudoomiye Xasan Cali Cismaan mar uu ka hadlayay kulan uu la yeeshay ardayda dugsiga sare ee Al-aqsa oo lagu gaadhsiinayay fariimaha qaadhaan ururinta iyo ka qaybqaadashada hawlaha jidadka gobolada Awdal iyo Salal.
Wariye:-
Abokor Xasan Caafi
Lughayanews-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Maamulka ASARDA oo Sababeeyay Dib U Dhaca Ku Yimid Bilawga 5km ee U Horaysay Ee Jidka ISku Xidha Dila iyo Camuud "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback