Boorama-(Lug)-Xuska 7aadka waxbarashada Aduunka oo ku began 7aadka u dambeeya bisha April sanadwalba ayaa laga xusaa magaalada Boorama, xuskii maanta oo uu soo qabanqaabiyay Naadiga Horseedka Toosan ayaa waxa ay ka dhacday dugsiga H/Dh ee Sh. Cabdiraxmaan Sh. Nuur Qaadi waxana goobjoog ka ahaa Gudoonka waxbarashada Gobolka Awdal, Masuuliyiinta naadiga horseeka Toosan, Maamulka Macalimiinta iyo Ardayda Dugsigaasi.
Ugu horayntii xidhiidhiyaha Barnaamijka loo yaqaan Horseedka Toosan (Child to Child Approach) Mud. Maxamed sh. Dayib Sh. Jamac ayaa xusay ahmiyada ay leedahay xuska maalmahani, waxa kale oo uu sheegay in munaasibada sanadkan halkudhig looga dhigay xurmaynta iyo kawarhaynta xuquuqda dhinaca waxbarashada ee gabdhaha waxana isaga oo arimahaas ka hadlaya uu yidhi “ Somaliland waxa jira xuquuqo badan oo ay caruurtu leeyihiin gaar ahaan gabdhaha waxa loo baahn yahay in la dhawro korna loo qaado xuquuqda gaarka ah ee dhinacyada waxbarashada iyo arimaha bulshada isla markaana ay si foojigan uga war hayaan xilsidayaasha bulshadu. Gabadha yare e reer Somaliland waxa ay leedahay xaq badan iyo fursado yar oo dhinaca waxbarashada ah oo aytusaale inooga filan tahay sida ay gabdhuhu waxbarashada uga yar yihiin wiilasha waxana haboon in xil la iska saaro”.
Gudoomiye ku xigeenka gudoonka waxbarashada gobolka Awdal Mud. Cabdiraxmaan Saleebaan Xasan oo madashan ka hadlay ayaa tilmaamay in waxbarashada loo dhan yahay ay si haboon uga qabsoontay gobolka Awdal isla markaana loo baahan yahay in todobaadkan lagu dhiiri galiyo ardayda waxbarashada.
Waalidiinta iyo Maamulka dugsiga oo madashan ka hadlay ayaa iyaguna iskaga marag kacay in waxbarashada gabdhuhu tahay mid loo baahan yahay in la dhiiri galiyo waxana ay waalidiintu balanqaadeen in ay u guntan doonaan sidii fursadaha waxbarsho ee ay helayaan gabdhuhu baahin doonaan.
Dugsiga Hoose Dhexe ee Sh. Cabdiraxmaan Sh. Nuur Qaadi ayaa waxa dhigta arday aad u badan oo 760 ay wiilal yihiin halka 424 kalana ay gabdho yihiin.


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Boorama Iyo Xuska 7aadka Waxbarashada Aduunka "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback