boorama-drc-2.JPGBoorama-(Lug)-Munaasabada wayn oo lahayd laba ujeedo ayaahayada DRC ay ku qabatay xatunta Mana Guest House ee Magaalada Boorama, Munaasabadan
 ayaa waxa guubjoog ka ahaa Saraakiisa sarsare ee Hayada DRC ee Dalka iyo Kuwa degmada Boorama, Maayarka Boorama, Xildhibaano Madaxda gudiyada 11ka tuulo ee ay mashaariicdu ka socotay, saxaafada iyo dadwayne kale.

boorama-drc-2.JPG

Ugu horayntii madashan oo ay ka hadashay Layla Cumar Kaahin oo ah hayada DRC uga wakiil ah gobolka Awdal ayaa carabaabtay ahmiyada kulankan waxana ay tidhi “ Waxa uu kulinkani isugu jiraa laba ujeedo oo kala ah in aan soo gabagabayno mashaariicdii ay hayada DRC ka waday 11 tuulo oo hoos yimaada degmada Boorama intii u dhaxaysay 2008/09 iyo in aan 2da maalmood ee soosocota halkan ku barano casharo kuseeya dabagalka mashaariicda bulshada… waxa aan ka mahadcelinayaa sida aad uga soo qayb gasheen waxana aan rajaynyaa inaan wax badan isdhaafsan doono”.

boorama-drc-3.JPG

Gabadh uu magaceedu yahay Heather oo ah madaxa hayada DRC ee Somaliland oo madashan ka hadashay ayaa yididiilo wanaagsan ka muujisay sida ay DRC ugu faraxsan tahay waxa u qabsoomay dad ay ku qiyaastay 6000 oo ku nool degmada boorama oo si toos ah uga faa’iidaystay mashaariicda hayada DRC ay ka fulisay 11 tuulo oo degmada Boorama hoos yimaada, waxa kale oo ay tilmaantay in hayada DRC ay tahay mid u taagan taakulaynta dadka Somaliland.. waxana ay u mahadnaqday maalgaliyaashii mashaariicdaas oo ah Baanka Aduunka, shaqaalaha Hayada DRC ee ka hawlgalayay habsami u socodka mashaariicdaas iyo waliba daneeyayaasha kale ee Dawlada hoose ee Boorama ay ugu horayso ee gacanta ka gaysatay meelmarinta mashaariisdaas ay hayada DRc fulisay intii u dhaxaysay 2008/09.

boorama-drc-4.JPG

Maayarka Boorama Cabdirixamaan Shide Bile oo isaguna ka hadlay madashan ayaa waxa uu tilmaamay inuu aaminsan yahay in mashaariicdaasi wax wayn laga qabsaday, waxana uu intaasi daba dhigay inmashaariicdaasi ay wax ka qabanayeen dhinacyada Caafimaadka Biyaha Sariibadaha Jidadka iyo dhinacyo kale.  Maayarku waxa uu u mahadnaqay hayadaha maalgaliyay mashaariicdan iyo kuwa fuliyayba waxana uu ku dardaaray horjoogayaasha gudiyada tuulooyinkii ay mashaariicdani u qabsoomeen inay joogteeyaan ka warhaynta waxqabadkaasi.

boorama-drc-5.JPG

Intii uu kulankani socday ayaa madaxda gudiyada ee tuulooyinka iyo qaar kamid ah xildhibaanada golaha degaanku ay iswaydaarsadeen dodo iyo falanqayn ku aadan waxa qabsoomay caqabadihii ka hor yimid sidii loo xaliyay iyo ku talagalkooda ku aadan mashaariicda soo socda waxana ay hadada DRC ku amaaneen wada shaqaynta diiran ee ka dhaxaysa.

boorama-drc-6.JPG

Waxa kale oo kulankan lagu baran doonaa casharo quseeya dabagalka mashaariicda kuwaasi oo loogu talo galay inay wax ka taraan sidii looga war hayn lahaa mashaariicda kala duwan ee ka socda Boorama.

boorama-drc.JPG


Wariye:-
Cabdale cali Yuusuf
Lughayanews-Boorama