Borama-(Lug0-Waxaa magaalada Borama booqasho ku yimiday saraakiil ka socotay Bangiga horumarinta Islaamka ee fadhigiisu yahay magaalada Jiddah,
waxayna ujeedada safarkoodu ahaayeen hubinta howlaha waxbarasho ee jaamacada Eel iyo Camuud ee magaalada Borama, iyagoo qiimayn ku samaynaya dhinaca dhismayaasha iyo sidii wax loola qaban lahaa jaamacadaasi. Waxana waftigan ku soo dhaweeyey magaalada Borama Maamulada labada Jaamacadood ee ka jira degaanka Borama.
Labadan Sarkaal ee ka socda Bangiga horumarinta waxay kala yihiin Eng.Maxamed Saalim oo ah u qaybsanaha dhinaca dhismayaasha ee bangiga horumarinta Islaamka iyo Eng.Caadil Maxamed oo isna bangiga horumarinta Islaamka u qaabilsan jaamacadaha iyo arrimaha dugsiyada sare waxaanay kulan balaadhan la qaateen maamulada jaamacadaha kala duwan iyaga oo waliba soo maray qaybaha kala duwan ee ay ka kooban tahay Jaamacada Eelo iyo Camuud.
Waxaana ay ka wada hadleen sidii dhismayaal kala duwan jaamacadaasi ay uga hir galin lahaayeen iyagoo waliba balan qaad sameeyey sida ugu dhaqsaha badan in howshaasi loo gudo gali doono waxaana labada dhinac ee bangiga horumarinta Islaamka iyo maamulaha labada Jaamacadood ee Eelo American University iyo Camuud ay ku heshiiyeen in iskaashiga iyo xidhiidhka wada shaqaynayd la joogteeyo, waxa kale oo ay sheegeen in deeqo waxbarasho ay siin doonaan ardayda dhigata jaamacada kala duwan waxaana waftigaasi wehelinayay xidhiidhiyaha baanka Islaamka iyo jaamacadaha Somaliland Dr.Siciid, waxana nooga waramay ujeedada waftigaasi iyo kulamadii ay qaateen Hormuudka Kuliyada Sharciga ee jaamacada Camuud Dr.Maxamed Cali Nageeye, waana markii ugu horeysay ee wafti ka socda Bangiga horumarinta Islaamka ee dhinaca Dhismayaasha qaabilsan ay soo gaadhaan magaalada Borama iyagoo oo muddo afar maalmood ahna ku sugnaa dalka Somaliland, kulamo kala duwana la yeeshay masuuliyiin xukuumada ka tirsan iyo jaamacada dalka.
Wariye:-
Abokor Hasan Affi
Lughayanews-Borama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Wafti ka socda Bangiga Horumarinta Islaamka Oo Soo Booqday Xarumaha Jaamacadaha Eelo American iyo Camuud "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback