Borama-(Lug)-Agaaimaha isbitaalka Guud ee Boorama Dr.Ismaaciil X.Muxumed Aye ayaa shalay seeska dhigay dhisme la doonayo in lagu daaweeyo dadka wax ka qaba dhinaca maskaxda ama dhimirka kaddib markii qaar ka mid ah beereleyda degaanka Boorama dhul laga fuliyo isbitaalkaasi ugu deeqeen.
Xaflad lagula kala wareegayey dhulkaasi isla markaana seeska loogu dhigayey isbitaalkaasi ayaa waxa kasoo qaybgalay salaadiin , xoghaya dawladda Hoose ee Boorama , maamulka waxbarashada iyo martisharaf kale .
Dr. C/risaaq Ibraahim Isaaq kuna hadlayey magaca qoqyska reer Ibraahim Isaaq ee dhulka u hibeeyey dhismaha isbitaalkaasi ayaa ka qayabgeleyaasha u sheegay inuu dhulkaasi u hibeeyey in laga fuliyo dhismaha isbitaalka dhimirka isagoo yidhi ‘laga bilaabo maanta ,waxan dhul cabbirkiisu dhanyahay 30mtr x30mtr u hibeeyey guddiga qaabilsan maamulka isbitaalkaasi ,d awladda Hoose iyo iyo maamulka wasaaradda caafimaad ee Boorama sidaa darteed,waan soo dhaweynayaa cid kastoo hirgelintiisa ka qayb qaadanaysa.”.
Agaasimaha isbitaalka Boorama Boorama Dr.Ismaasciil X.Muxumed Aye oo isna ka dhulkaasi ka guddoomay beerelydaasi ayaa yidhi “wax badan ayaan raadinaynay dhul aan dadka maskaxda wax ka qaba ku daaweynno , hase yeeshee maantaa ilaahay qaddaray in dhulkaasi aan hello .Inkasta oo u nagu yaryahay ,loona baahnaa 30×60 dhul cabbirkiisu dhanyahay .Waxan aad ugu mahadcelinaynaa ciddii dhulkaasi ugu deeqday dadkaasi walaalaheen eh , annagoo dadweynaha magaalada gudo iyo debedba ugu baaqyna inay dhismihiisa nagala qaybqaataan ,wixii dhinaca dawladda kaga xidhmana an hawsheeda anigu leehaya ka wasaarad caafimaad ahaan..
Isuduwaha wasaaradda waxbarashada G/awdal Prof.Daahir Maxamuud Xaddi ,oo isna munaasabaddaan ka hadlay ayaa yidhi ‘qofka waalan iyo qofka caafrimaad qabaa xagga Ilaahay way u siman yihiin mana ah in dadka ilaahay kala dhimay laga xarrimoquuuqda ay leeyihiin loona baahan yahay in sida ka fayow loogu dedaalayo isgana loogu dedaalo , waxan ugu horreynka shakhsi ahaan ku deeqay laba milyan oo shilin Somaliland , anigoo jecel in cid kastoo dadkaa u damqanaysaa wixii itaalkeeda ah ku darsato ‘.
Xoghaya dawladda Hoose ee Boorama C/risaaq Cali Cusmaan oo isna halkaa ka hadlay ayaa sheegay inuu ka maamul dawlad hoose ahaan dhulkaasi waafajin doono sharciga si looga fulliyo adeegyada caafimaad ee dadkaasi iyo dhismaha isnbitaalkaasiba “.
Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar oo isna halkaasi hadal dardaaran ah ka jeediyey ayaa yidhi ‘Anigoo ku hadlaya magaca hohggaamiye dhaqameedyada gobolka Awdal waxan aad u ammanayaa uguna mahadcelinayaa dadka isku xilqaamay bixinta dhulkaasi .Dadka ay ku dhaceen xanuunada maskaxda iyo kuwa fayawba madaxdhaqameedyo ayaan u nahay , waxayna mudan yihiin in la siiyo adeegyada caafimaad ee ay u baahan yihiin ee aan la tuurin , waxan Ilaahay ka baryayaa in isbitaalkaasi noqdo kii hirgala ee bulshadeenaa iyo kuwa kaleba wax u tara ,cid kastana maskaxda ku hayso in xasanaadka Ilaahay ka weyn yahay wax kastoo lagu siiyo ,kanna uu yahay kii cid kastaaba xasanaadka ka kasban lahayd:.
Foosiya Ismaaciil , Marwo qalin Seed iyo Nimco sh.Faarax kana mid ah Guddi sideed xubnood ah oo loo xilsaaray maamulka isbitaalkaasi ayaa sheegay inay haweenweynaha reer Boorama gudo iyo debedba ugu guubaabin lahaayeen hirgelinta isbitaalkaasi maadaama isbitaalkani yahay mid lagu daaweyn doono ragga iyo haweenkaba . Xarunta haatan ee isbitaalka dhimirka Boorama kuna dhisme cidhiidhi ah oo magaalada dhexdeeda ah ayaa mid ka mid masuulyiintiisa oo la yidhaa Carabeeto ii sheegay inay isbitaalkaasi ku daaweeyeen xiskooduna kusoo laabtay kudhawaad 120 qof oo rag iyo haweenba leh tan iyo markii la aasaasay 4sano kudhawaad ka hor , kuwaasoo ka kala yimi dalalka deriska ah iyo gobollo ka mid ah Somaliland.
Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyena)
Lughayanews-Borama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Agaasimaha Isbitaalka Guud Ee Borama Oo Dhagax Dhigay Isbitaalka Dhimirka Ka Dib Markii Dhul Loogu Deeqay "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback