Gudoomiyaha ololaha dooroshooyinka ee Xisbiga UDUB  oo ay weheliyaan xubno sarsare oo ka tirsan Xisbiga UDUB ayaa ka qaybgalay munaasibad ay soo qaban qaabiyeen dhilinyarada garabka UDUB taasi oo ay u jeedadeedu ahayd siday u midoobi lahaayeen dhalinyarada 8xaafadood ee Boorama ee garabka UDUB iyo soo dhawayn loo sameeyey dhalinyaro ka soo baxday Xisbiga Kulmiye kuna biiray Xisbiga UDUB.

Munaasibadasi oo lagu soo bandhigay ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka ee Sayliciga ,ayaa waxaa xafladaasi hadalo warbixin iyo soo dhawyna ka jeediyey Gudoomiyaha Xisbiga UDUB ee G/Awdal C/casiis Xuseen Raage iyo Gudoomiyaha Degmada ee Xisbiga UDUB Maxamed Aadan Suldaan waxayna sheegeen in hawlaha Xisbigu  si wanaagsan u shaqaynayo.

Waxa iyaguna munaasibadasi ka hadlay dhalinyaro kala duwan oo ku hadlaayey magaca dhalinyarada 8xaafadood ee Boorama ku midoobay waxayna si aad ah u soo dhaweeyeen dhalinyarada ka soo diga rogotay Xisbiga Kulmiye eek u soo biiray Xisbiga UDUB una balanqaaday inay  u shaqayn doonan sida kuwii uga horeeyey  Xisbiga cadaalad iyo sinaana kala kulmi doonan,dhalinyaradii iaguna ku soo biiray Xisbigaasi  ayaa sheegay inaanay marti ku ahayn balse manta laga bilaabo ay la jaanqaadayaan Xisbigan UDUB.

Gudoomiyaha ololaha doorashooyinka ee Xisbiga UDUB  Cismaan C/laahi Cigaal (Hindi) ayaa intii aanu khudbada jeedin shahaado sharaf gudoonsiiyey maamo  Sahra Xuseen Saalax oo lagu sheegay inay tahay haweenay si xoog ah taageero u siisa Xisbiga UDUB wax kastana  la garabtaagan.

Gudoomiyaha ololaha doorashooyinka Xisbiga UDUB Cismaan C/laahi Cigaal oo ka hadlaayey munaasibadaasi ayaa uga mahadnaqay dhalinyarada iyo maama Sahra  oo uu sheegay inay xafladan quruxda badan ee ay ku kulmeen taageerayaasha UDUB ee  rag iyo dumarba leh , wuxuuna ku dheeraaday kartida iyo kaalinta firfircoon ee maamadaasi kaga jirto dardar galinta hawlaha Xisbiga.

Md.Cismaan wuxuu cadeeyey in siyaasada Xisbiga Kulmiye fashilantay isla markaana uu farta ku fiiqay inay ku dhaqmaan nin jeclaysi iyo qabyaalad taasina ay tahay wax aan loo baahnayn balse wuxuu kula dardaarmay taageerayaashaasi xaflada goobjooga ka aha inay hawlaha Xisbiga dardar galinyaan iskuna diyaariyaan ololihii doorashada oo dhawan bilaabmi doona.

Wariye :
Abokor Xasan Caafi
Lughayanews-Borama