52.jpgQaraxyadii Foosha xumaa ee lagu kacay Somaliland ee khasaaraha dhimasho iyo dhaawacba soo gaadhsiiyay Muwaadiniin reer Somaliland ah oo ku kala sugnaa Safaarada Itoobiya, Xafiiska UNDP, iyo Xarunta Madaxtooyada Somaliland,

kuwaasi oo Qofkasta oo reer Somaliland ahi ka murugooday Falkaasi Arxan Darada ah.Falkaasi Foosha xumaa ka Bacdi Xukuumada Somaliland Waxay Xidhay jidka wayn ee Badhtamaha Magaalada hargeisa Kaasi oo hor mara Aqalka Madaxwayne rayaale ama Madaxtooyada Somalialndba. Markii uu xidhnaa in muddo ahaa waxay ogolaatay in maalintii ay baabuurtu maraan balse lixda fiidnimo  wixii ka danbeeya ay Xanibantahay oo aan la mari Karin wax kastaa hadii ay dhacaan. Ma xuma in nabad galyada Somaliland la Adkeeyo, Cadawga laga hortago, Cidkasta oo Somaliland waxyeelaso Gacan bira lagu qabto balse wax lala yaabo ah, fulaynimada intaa leeg ilaa haatan u Xanibanyahay jidka madaxtooyada hormara.Nafta Bani aadamku dil ayay ku wada xukumantahay, Qof waliba maalinta illaahay u qoro ayuu dhimanayaa, wax wal oo aad samayso, Hub walba oo aad haysto, ciidan badan oo aad haysato, kaama celinayaan wadka, Qof kastaana wuu dhadhaminayaa Geerida mar ay noqotoba.Hadaba waxaa iswaydiin leh hadii ay Madaxwaynaha u Xanibnayd Wadada madaxtooyadu isaguna hadda ka maqanyahay Dalka oo uu dhawaan u kicitimay Dalka faransiiska, Maxaa loogu Furi waayay Dadwaynaha ku dhibaataysan maritaanka Jidkaasi wadnaha magaalada hargeisa, Bal hadii isaga laga baqayay inay waxyeelo ka soo gaadho.

52.jpg

Madaxwaynaha Somaliland dadkiisu waxay ka mudanyihiin in uu rabitaankooda qadariyo, wixii dhib u keenaya ka illaaliyo, Masuuliyadiisu maaha in uu Xanibo oo uu diktaatooriyad kula koco marba isbaaroyar meel dhigto sidii Qabqablayaashii Koonfurta Somaliya, Waa Calaamado ka fogaynaya Dadkiisa, waa Calaamadihii kali talisnimada, hadii aanu Arintaasi ka noqon. Dadwaynaha waxa ku Waajiba ah inay Madaxwaynohooga ixtiraamaan, inay Codkooda siyaan Cida wax uqabanaysa, ee aan dhibaato u keenayn shacabkooda xorta ah.Qofkasta oo Habeenkii soo raaca Bas ama kumara jidkaasi baabuur wuu garan karaa Dhibka ka qabsada iyo Gooladaha Xaafadaha dhexdeeda ee lagu kalifay inay maraan iyada oo Xukuumada Rayaale Isbaaro iska Dhigatay jidka Hormara Gurigiisa, Madaxwaynuhu Hadii Cabsi ka hayso Shicibkiisa Waxay ahayd inta uu Bulshadda intaa leeg Xanibayo inuu u Guuro meel ka Baxdan Wadnaha magaalada oo aanu cidna wax ku yeelayn, taasi ha u samaysto jid uu sida uu doono ka yeelo, xiliga uu doono xidho, markuu doonana furo.  Balse Dadku waxa ay illaa hadda la amakaagsanyihiin oo ay iswaydiinayaa Jidka madaxtooyadu Ma marinkii Qasa ayay noqotay? Iyo su,aalo kale oo aan wali jawaabtooda la

Xukuumadduna marna kamay haddal Sababta ay u xidhantahay wadadaasi tan iyo Qaraxyadii Hargeisa ka dhacay.Cadawga Somaliland wuu fara badanyahay, Waana waajib saran Xukuumada Somaliland inay Difaacdo Qaranimadeeda, Shicibkeeda balse maaha Xukuumaddu in Awoodeeda isugu gayso Muquuninta Xisbiyada mucaaridka balse waxay ahayd inay kala saarto Jiritaanka Somaliland iyo Cadawgeeda sidii loo tirtiri lahaa. Iyaga oo kaashanaya Xisbiyada mucaaridka ah iyo Dadwaynaha reer Somaliland-ba.Balse may ahayn in Dadka iyada oo Argagax loo gaystay oo Xukuumadu Dayacday Masuuliyadii ka saarnayd illaalinta nabad galyada iyo la dagaalanka Cadawgeeda inay haddana Shacabka ugu Daraan in Jidadka laga xidho, iyada oo aanay jirin sabab cad oo loo xidho Wakhti Xaadirkan.Guntii iyo Gunaanadkii Madaxwayne Rayaale waxaan kula Talin lahaa  in Shacabkiisa soo dhawaysto, oo aanu ka dhigan cadaw iyo dad isaga weerar ku ah, balse iyaga Garab ka dhigto rabitaankoodana Qadariyo.

Nimco Muxumed Ibraahin
Timacade News Network (TNN)
Qaali540@hotmail.com
Hargeisa/somaliland