21.jpgMadaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Daahir Rayaale kaahin iyo weftigii uu hogaaminayey ee booqashada ku joogay Dalka Ethiopia caasimaddiisa Addis Ababa, ayaa waxay maanta xafiiskiisa kula kulmeen Madaxweynaha Dawaladda Federaalka ee Ethiopia, Mr. Girma Wolde-Giorgis, halkaasi oo ay labada Madaxweyne isaga waraysteen xaaladda Guud ahaan Gobolkan iyo ta labada dal ee jaarka ah Ethiopia iyo Somaliland, kullankaasi oo ahaa mid aad u heersarreeya, jaw wanaagsan oo farxadeedna la isku qaabilay, wuxuu ku soo gaba gaboobay is afgarad iyo jawi aad u wanaagsan.

21.jpg
 
Madaxweynaha JSL,waxa ku weheliyey kullankaasi, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Debedda, Mudane, Cabdillaahi Maxamed Ducaale, Wasiirka Waasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta, Mudane Cali  Maxamuud Axmed ( Sandulle), Maareeyaha Dekedda Berbera, Eng. Cali Cumar Maxamuud, Mudane, Axmed Maxamed Ciise, Xog-hayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha JSL iyo ku Xiggeenka Wakiilka Somaliland ee Ethiopia, Mudane, Ayaanle Salaad”.        

        3.jpg
 
Allaa Mahad Leh
 Axmed Maxamed Ciise
Xog-hayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha JSL