Borama-(Lug)-Anagoo ah ardayda dhigata jaamacada Eelo American university waxaanu aad uga xunahay cadaalad darada durba ay sameeyeen gudiga doorashooyinka ee Somaliland kadib markii si cadaalada ugu qaybin waayeen ardayda dhigata labada jaamacadood ee walaalaha ah ee Eelo Amrican University iyo Camuud University shaqaalaha loo qaadanayo diwaan galinta doorashooyinka ee dhawaan ka dhici doont dalka
Taas oo komishanku uu ka wada qaatay shaqaalihii uu ubaahnaa dhamaanba ardaydii reer camuudeed shaqaale dhan waliba 400 oo arday Oo waliba kala ah ardayda levelkoodu yahay sanadka sadexaad iyo sanadka afraad.
Markay ardaydii levelkaa ahayd gaadhi wayday intii komishanku ubaahnaa la amray in ardaydii qalinjabisay dib loogu yeero si ay ubuuxiyaan tirada dhinaatay .
Maxaa ku jaban hadaba haduu qaato ama saami ka siiyo gudiga dorashooyinku ardayda dhigata jaamacada iyadna gobalka ka jirta ee Eelo American University oo waliba laga helayo heerka uu gudigu ubaahan yahay Doorikii hore ee komishanku qaatay arday shaqaale ahaan jamcadaha. jaamcada Eelo American university lamasiin waxay xaqa ulahayd oo laba cali isama waydiin .
Hadaba Waxaanu ka codsanaynaa gudiga dooroshooyinka qaranka ee somaliland inay go’aan kaa ka noqdaan oo ay simaan jaamcadaha wadanka ka jira ayna kala qaybin ardayda jaamcadaha ayna ogaadaan in cadaladu ka bilaabanto marka shaqada ama hawshu bilawga tahay .
Maxamed Nuux Ibraahim
Fucutly Of Engineering


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Gudiga Doorashooyika Qaranka Ee S/land Oo Aan Durba Cadaalad Daro Ka Tirsanayno Anagoo Ah Ardayda Eelo Amerian University "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback