asarda-dug-adan-isaaq-2.JPGBorama-(Lug)-ASARDA waa haayada horumarinta wadooyinka Gobolada Awadal iyo Salal waxayna baryahanba ku hawlaneyd kulamo kala gadinsan oo ay la yeelanayeen ardayda dugsiyada sare ee magaalada Borama.

Iyadoo ay ujeedadu tahay sidii dhaqaale ay kaga qaybqaataan samaynta wadooyinka looga raadin lahaa . Waxaana munaasibadaha kala duwan ee ay la yeesheen ardayda dugsiyada sare ee Ardaale iyo Aadan Isaaq ayaa si wanaagsan loogu soo dhaweeyey isla markaasina ay dhalinta dhigata dugsigaasi ay balanqaad xaqiiqo ah oo dhaqaale ay ku bixinayaan kaalintooda wax qabad ee samaynta wadooyinka ,waxa iyaguna balanqaad lacageed halkaasi ka jeediyey maamulka iyo macalimiinta iskuuladasi ,waxase cajiib ila noqotay waardiyihii dugsiga sare ee Ardaale uu qaadhaan lacageed oo uu leeyahay waxaan kaga qaybqaadanayaa samaynta wadada ay faxad iyo raynrayn galisay ardayda dhigata dugsigaasi iyo madaxdii ASARDA’ba waxa iyaduna tanoo kale ka dhacday dugsiga sare ee Aadan Isaaq oo laba waardiye oo dugsigaasi ka hawlgala ay iyaguna lacagbadan ku dhawaaqeen, iyadoon iskuuladii hore ee ay ASARDA soo martay oo ahaa AL-aqsa iyo Ubaya anay waaridyayaashoodii wax qaadhaan ah anay isku qorin ,waxase arintani noqonaysaa tartan ka dhexeeya bulshada noocyadeeda kala duwan oo la doonayo in lagu kala hormaro ka qaybqaadashada samaynta wadooyinka .

asarda-dug-adan-isaaq-2.JPG

Waxa isaguna halkaasi ka hadlay Gudomiyaha haayada ASARDA ee horumarinta wadooyinka gobolada Awdal iyo Salal Pro.Xasan Cali Cismaan wuxuuna sheegay inay ka waantoobaan tahriibta oo ay tacliintooda wataan taclintuna u ifiso wadada toosan .

asarda-dug-adan-isaaq-5.JPG

Waxa kale oo isaguna halkaasi ka hadlay C/qaadir Aadan Nuur  oo uu sheegay qofkastaana in  uu bixiyo  wuxuu awoodo  oo aan la iskalifin Waxayna mari doonaan iskuulada hadhay ee magaalada.

asarda-dug-adan-isaaq-6.JPG

asarda-dug-adan-isaaq-7.JPG

asarda-dug-adan-isaaq-3.JPG

asarda-dug-adan-isaaq.JPG

Wariye :-
Abokor Xasan Caafi
Lughayanews-Borama