Booqasho Gaar ah Ao ay Lughayanews ku Tagtay Goobta uu Ka Socdo Dhismaha Kawaanku”.
Boorama-(Lug)-Meesha aan ujeeda u lahayn waxa ay dhinaca bari ka xigtaa magaalada Boorama, waa deegaanka Dhamuug oo 4km oo kaliya u jira Boorama, waa bartamaha buurolay dacalkana ku haysa dooxada Dhamuug oo biyo leh, waa meesha uu salka dhigtay sahankii mudada socday ee dhulka banan loogu baadigoobay kawaanka casriga ah ee noociisa oo kale aanu dalka oo dhan ku ool.
Goobta oo dhan waxa buuxay cagafyo noocyo badan isugu jira oo shaqo aad u badan wada, qalabka dhismaha ayaa meelwalba kaaga muuqanaya, way iska cadayd inay tahay meel ay shaqo ka socoto, ma jirin wax dhisme seeska dhaafsan ah oo ka muuqday goobta balse seeska lafaahtiisa ayaa ahaa mid si adag looga shaqeeyay oo inta dhulka si dheer loo qoday hoosta laga soo dhisay, muuqaalka guud ee goobtuna waxa uu ahaa mid shax oo kale u samaysan mana suuro galayn in wariye ama qof iska caadi ahi uu fahmo qaybaha uu ka kooban yahay kawaanku.
Waxa goobta markii ay shabakada Lughayanews booqatay ku suganaa shaqaale badan oo uu ka dhex muuqdo Eng. Maxamed Warsame Xuseen oo ah maamulha guud ee shirkada fulinaysa dhismaha kawaanka casriga ah. Wariyayaasha shabakadu iyaga oo doonaya inay waqti kooban ku gutaan waajibaadkooda shaqo ayay su’aalo kala duwan la boobayeen Eng. Maxamed waxana uu su’aal walba uga jawaabayay si kalsooni leh oo aad moodo inuu sii ogaa booqashada kooban ee shabakadan warbaahinta ee Lughahanews.
Eng. Maxamed oo tilmaamayay waqtiga ay ilaa hada hawsha wadeen ayaa waxa uu sheegay in ay dhan tahay 2 bilood isla markaana ay u qorshaysan tahay inay hawsha ku dhameeyeen 4 bilood gudahood. Eng. Maxamed oo ka jawaabaya inta ay dhan tahay lacagta ku bixi doonta dhismaha kawaanka ayaa waxa uu yidhi “ Waxa aan qandaraaska ku qaadanay $350kun oo dooolar oo ay ku jiraan xitaa mishiinada loo isticmaali doono kawaankan casriga ah”.
Markale waxa uu Eng. Maxamed faalo kooban ka bixiyay qaybaha uu ka kooban yahay kawaanku waxana uu yidhi “ waxa uu ka koobnaan doonaa dhawr qaybood oo kala ah qaybta gawraca Geela iyo Lo’da oo maalintii loogu talo galay inay qasho 130-200 oo neef iyo 350 neef oo Adhi ah. Waxa kale oo kamid ah qaybta nadiifinta, qaybta kaydka, xafiisyadii iyo kaabayaashii kale ee loobaahnaa. Waxa kale oo jira qayb dibada ah oo noqon doonta qaybta mishiinada iyo dayr wayn oo ku meersan kawaanka oo dhan.
Eng. Maxamed iyo shaqaalaha goobta ku sugnaa oo dhami waxa ay ka mahad sheeganayeen dawlada hoose ee Boorama iyo dadka degaanka oo ay xuseen inay dhiiri galin iyo taageero la horjoogaan.
Goobtani waxa ay u muuqatay inay maalin aan dheerayn noqon doonto goob bilic san, shaqo badani ka socoto isla markaana wax wayn ka tari doonta caafimaadka hilibka caadiga ah ee Boorama lagu cuno maalin walba. Waxana uu mashruucan oo hirgalintiisu mudo qaatay uu yahay mid uu maalgaliyay Baanka Aduunku Isla markaana ay fulintiisa leedahay hayada FAO.
Wariye:-
Abokor Xasan Caafi
Lughayanews-Boorama








Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " 2 Bilood Kadib Halkay Marayaan Hawlaha Dhismaha Kawaankii Casriga Ah Ee Borama "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback