Boorama-(Lug)- Banaynta wado ay gaadiidku u isticmaali doonaan si kumeel-gaar ah inta uu socdo dhismaha 5km ee laamiga ah ee u horaysa ee isku xidhaysa  Dila iyo Boorama ayaa ka bilaabatay magaalada Boorama.

 Wadadan oo dhinaca bari ka maraysa dugsiga sare ee Ardaale isla markaana barbarsocon doonta wadadii hore loo mari jiray ayaa waxa banaynteeda ka qayb qaadanayay Salaadiin Maamulka ASARDA iyo dad aad u badan.

Gud. Xasan Cali Cismaan oo ahmiyada wadadan ka hadlay ayaa yidhi “ Waa hubaal waa hawl muhiim ah waa talaabo loo qaaday dhinaca  hormarka…wadadan aan wadno waa  mid ku meel gaar ah waxana ay kab u noqon doontaa dhismaha wadada aan bilaabayno dhawaan hadiii Alle idmo waana dhawaan bilawga hawlaha hormarinta jidadka ee aan wadnaa”.

Jidkan oo dhererkiisu noqon doono 6km ayaa waxa uu wax ka tari doonaa isusocodka gaadiidka iyo dadka mudada la wado hawlaha dhismaha jidka

Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Boorama