Bilawgii Jaam.Camuud Waxay U Muuqatay Mid Aanan Hirgalayn Maantana, Sidaas Oo Kale Dhismaha Jidka Isku Xidha Camuud iyo Dilla Waa Iskuday Wanaagsan Oo Mudan In La Tijaabiyo” Prof. Xasan, ASARDA

asarda-iyo-jaamacadda-camuud-3.JPGBoorama-(Lug)-Kulan aad u wayn oo ay qabanqaabadiisa gacan ka gaysteen Ardayda Dhigata Jaamacada Camuud ee ka tirsan Ururka Dhalinyarada ee SOLINDO isla markaana ay ujeedadiisu ahayd sidii ardayda Jaamacadda Camuud loo gaadhsiin lahaa fariimaha taageerada ah ee wacyigalinta

 ka qaybqaadashada dhismaha jidka isku xidha Camuud iyo Dila. Kulankan ayaa waxa goobjoog ka ahaa Maamulka, Macalimiinta iyo Ardayda Jaamacadda Camuud, iyo waliba masuuliyiinta sarsare ee hayada ASARDA iyo Badhasaabka Gobolka Awdal.

asarda-iyo-jaamacadda-camuud-3.JPG

Kulankan oo uu ugu horayntii ka hadlay gudoomiye ku xigeenka jaamacadda Camuud Prof. Axmed Cabdilaahi Boqore ayaa ka warbixiyay inJaamacadda Camuud ay lafdhabar u tahay hormarka dalka ka qabsoomay, waxa kale oo uu xusay inay diyaar u yihiin ka qayb qaadashada dhisaha jidka isku xidhi doona Jaamacadda Camuud iyo Dila. Waxana uu Prof. Boqore si diiran ugu soo dhaweeyay Jaamacadda Camuud masuuliyiinta ASARDA ee maanta ku suganayd Jaamacadda.

Gudoomiyaha Board-ka Jaamacadda Camuud Xaaji Axmed Miisaan Aare oo isaguna ka hadlay madashan ayaa sheegay in dhawr iyo toban sano ka hor markii ay u tagayeen madaxwaynihii dalka ee waqtigaan AHUN Cigaal uu hamigoodu ahaa inay maalin uun dalka ka unkaan waxbarasho Jaamacadeed waxa kale oo uu sheegay in ilaa maanta ay diyaar u yihiin taageerada Jaamacadda Camuud iyo hormarka gobolka ka socda.

asarda-iyo-jaamacadda-camuud-4.JPG

Gudoomiyaha Hayada ASARDA Prof. Xasan Cali Cismaan oo hadalka ka daba qaatay ayaa syidhi “ Maanta waa ii farxad isku lamaan marka koowaan waxa aan ku faraxsanahay in riyadii Jaamacadda Camuud ee igu jirtay 90aadkii ay maanta ii muuqato inay rumawday mida xigta waxa ii farxad ah inaan arkay midhihii ka soo baxay oo heegan ku ah hareerahayga isla markaana ka qayb qaadanaysa hormarka.

Mar uu ka waramayay heerarkii ay soo martay Jaamacadda Camuud ayaa waxa uuyidhi waxa ay ahayd tijaabo waxana aan aaminsanaa inay suurto gal tahay waxa mahad mudan intii saaxiibaday ahayd ee dhaqajisay waxana ay maanta jaamacaddu hormood u noqotay tacliinta sare ee dalka oo dhan… hadii alle idmo waxa suurto gal ah in maalin maalmaha ka mid ah aad halkan ku dhamaysataan darajada ugu saraysa tacliinta ee Phd.

Isaga oo la hadlaya ardayda Jaamacadda Camuud Prof. Xasan waxa uu yidhi waxa aan maanta iswaydiinayaa waxa aan Camuud ka filayo.. waa run waa wax ka badan wixii aan kula kulmay ardayda dugsiyada sare ee gobolka maanta waxa aan idin leeyahay bilaaba oo hormuud u noqda inaad idinku dhisataan wadada isku xidha Camuud iyo Boorama waa taas mida aad idinku u baahan tihiin waan hubaa waa hami dhow oo la gaadhi karo…hura maalkiina iyo muruqiina noola yimaada waxa aad karaysaan anaguna waan idiinku biirinaynaa inta ka dhiman.

Sul. Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal oo isaguna ka hadlay madashan ayaa yidhi “ anigu waxaan ka mid ahay bahda Jaamacadda Camuud waanan aaminsanahay inaan karayno hawshaas waayi jidku waa mid aan u wada baahanahay… dunida oo dhan waxa laga cabiraa hormarka umadi gaadho waa jaamacadaha maantana waxa aan rajaynayaa in Camuud ay arintaas diyaar u tahay.

Mar uu Sul. Dhawal ka hadlayay qaabka ka qayb qaadashada hawlaha horyaala Jaamacadda eek u aadan wadooyinka ayaa waxa uu yidhi “kkkk kolay qof wayn baan ahay waxa an odhan lahaa gaar ha noo saarina ee nagu dhex dara bulshada inteeda kale si aan wax muuqda oo badan u soo saarno… qorshaha qaadhaanka wadada ee Camuud laga rabaa ma aha mid look ala hadhayo, ma aha mid quseeya inta reer Boorama ah oo kaliya waa mid ay waajib tahay inuu ka qayb qaato cid walba oo camuud wax ka baratay ama ka faa’iiday Jaamacadda ma jiro cid la dhaafayaa cid walba waa waajib inay jeebkeeda gacanta galiso hadii kale anaga oo ah salaadiintii una dhan haywshan bulshadana matalna ayaa jeebka gacanta ka galinayna kana soo saarayna waxa waajibku saaray…balse intaas ka hor waan ku kalsoonahay ardayda waanan ka midho dhalinaynaa fikirkaas maanta bilawday.

asarda-iyo-jaamacadda-camuud.JPG

Waxa kale oo kulankan gabagabadiisii ka hadlay badhasaabka gobolka Awdal Mud. Maxamuud Sh. Cabdilaahi Cige waxa uu tilmaamay inay farxad u tahay isaga hormarka ka socda Jaamacadda Camuud waxa kale oo uu kalsooni ka muujiyay kaalinta ay jaamacaddu ka qaadan doonto hormarka wadooyinka. Badhasaabku isaga oo ka hadlaya ahmiyada wadooyinka iyo sida loo dhisan karo ayaa waxa uu yidhi waa hubaal wadooyinku waa lafdhabarta bulsho waxanan leeyahay waxa aan ku hor marinkarnaa inaan noqono bulsho garbaha is haysata oo isku darsarata wax walba oo ay awoodayaan Eebe waynana talo saarta. Badhsaabku waxa kale oo uu sheegay in siyaasada xukuumada madaxwayne Rayaale ay tahay in taageero muuqata la siiyo cid walba oo wax qabsanaysa isla markaana ay taageersan tahay hawlaha wadooyinka hormarintooda ah ee ka socda Boorama. Badhasaabku waxa kale oo uu balan qaaday inuu mushaharooyinkiisa ugu deeqi doono qaadhaanka bulshowayntu ay u ururinayso wadooyinka gobolada Awdal iyo Salal hormarintooda.

Kulankan intii uu socday oo ay hadalka isaga daba xigxigeen xilsideeno badan ayaa waxa uu ahaa mid ay shucuurtiisu aad u sarayso isla markaana la isku waydaarsaday hadalo u badan dhiiri galin iyo tilmaan waxana ardayda jaamacadda Camuud oo ka kala yimid degaanada Puntland Somalia iyo Somaliland ay balan qaadeen inay kaalin lixaad leh ka qaadanayaan dhismaha wadada isku xidha Camuud iyo Boorama iyada oo ay isla madashaas qaarkood ku deeqeen qadar qaadhaan ah oo wax tar u leh hawlaha dhismaha jidadka.


Wariye:-
Abokor Xasan Caafi
Lughayanews-Boorama