boorama-iyo-shidaalka-oo-kor-u-kacay-3.JPGBoorama-(Lug)-shidaal la’aan isa soo taraysa ayaa ka jirta gudaha magaalada Boorama waxana tan ka dhashay in qiimaha sicirka shidaalku uu kor u koco, kor u kacaas iyo shidaal la’aantaas ayaa waxa ay sababeen in isu socodka gaadiidka Batroolka isticmaala si wayn looga dareemo.

boorama-iyo-shidaalka-oo-kor-u-kacay-3.JPG

Xaaladan oo ahayd mid ilaa maalmahii u dambeeyay isa soo taraysay ayaa waxa ays I buuxda u soo if baxday maanta, mid ka mid ah dirawalada baabuurta yaryar oo ku sugnaa kaalinta Al-madiina ee Magaalada Boorama ayaa u  cabiray dareenkiisa  shabakada Lughayanews waxana uu yidhi “ Waxa aan soo maray laba xarumo shidaal oo kale oo kala ah Mida Indhodeero  iyo Kaalinta ilmo Xaaji Abuubakar waxana ay ii sheegeen inaanay shidaal hayn… waxa aan ugu dambayntii ka helay halkan qiimihiisuna waa sareeyaa waxa ay tani saamayn ku yeelantay dhamaan baabuurtii waan iska dhignay waayo majirto meel aan shidaal uga keeno.

boorama-iyo-shidaalka-oo-kor-u-kacay-4.JPG

Waxa kale oo ay shabakada wararka ee Lughayanews arimahan ka waraysatay maamulha kaalinta shidaalka ee Almadiina Bashiir Xuseen waxana isaga oo ka warmaya waxa sababay inuu shidaalku qaaliyoobo ayaa waxa uu yidhi “ Shidaalkii ka soo dagi jiray Berbera waa kala go’ay xukuumaduna way ka dhaga adaygtay inay dadka u cashuurto shidaalkii ka soo dagi jiray Saylac sababtaas ayaana keentay inuu shidaalka qiimihiisu kor u kaco.

Mar ay shabakadu wax ka waydiisay waxa ka jira in ay qaybka tahay dhaqannka ganacsatada kaalmaha shidaalka oo ah inay ka faa’iidaystaan arimaha noocan oo kale ah oo ay iyagu sabab u yihiin inuu qiimuhu kor u kaco ayaa waxa uu yidhi “ haa maanta ma odhan karo magaaladu waa bilaa shidaal maya ma odhan karo wuu yaalaa waana loo micnayn karaa sida aad sheegayso… lkn anagu waa kaas oo waan iibinaynaa waxana suuqa shidaalka waalayaa waa xukuumada oo diiday inay cashuurtp shidaalkii ka soo dagi jiray Saylac.

boorama-iyo-shidaalka-oo-kor-u-kacay-6.JPG

Qiimaha sicirka shidaalka oo markii hore ay foostadu ahayd 145 Doolar ayaa mar kaliya sare u kacay isla markaana gaadhay 160 Doolar  waxana ay tani tahay markii ugu horaysay ee sanadkan gudahiisa uu qiimaha shidaalku sidaas circa isugu shareero. Lamina saadaalinkaro in maalmaha soo socda ay arimahan wax iska badalayaan iyo inkale.

Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Boorama