Markahore waxan salaamayaa bahda lughayanews, oo ah websites ka gobolka ee aan xiiseeyo intabadan daily aan caadaysto inaan furo.
Waxan rabaa inaan halkii kasii amba qaado qoraalkaygii kusaabsanaa gashaanti-gabowga, igamana aha inaan bulshada kukiciyo buuq iyo hadal aan macna lahayn, laakiin waxan u arkaa topic gani inuu faa iido uleeyahay bulshada.
Dhibta aan hore usootibaaxay bulshada soomaaliyeed oo kaliya mahaysato ee waa mid caalamka islaamku inalaqabo.
Arrintan gabdho walaalahay ahi ay igu gumaadeen waxa markhaati unoqotay gabadh iyagoo kale ah oo arintaan anigu xalka u arkayay iyaduna xal u aragtay waana gabadh aqoonteeda bulshada ay u lahayd iyo dhibka bulshada kahasyta guumaysnimada qadhaadhkeeda aragtay, kadib qalinkeeda uqaadatay si ay ugu cabbirto aragtideeda.
Waanatan gabadha warkeeda oo aan ka sooguuriyay wargays caalami ah oo layidhaa “the other opinion” .
Gabadhani suxufiyada ah ayaa topic ga ay kaqortay muddo haatan lagajoogo 13sano -waa 1997s- ayna ubixisay “one wife is not enough” gabadhaasi waxa aritan ku kiciyay arintii aan xalka kadhigay qoraalkaygii uhorreeyay oo ahaa in dumarku u ogolaadaan nimankooda inay naagkale ufasaxaan.
Gabadhaasi markii saxaafaddu waydiisay arintan waxa kudhaliyay inay fagaaraha soodhigto -media da inay kusooqorto- waxay tidhi:-
“Arintan waxa igu dhaliyay gabadh saaxibadday ahayd ayaa ninkeedii naagkale laguursaday, kadib arintii waxay dhalisay inay saaxiibadday xadhkaha goosato oo ninkii inay kalatagaan udhawaatay, arintii ayaan usha uqaatay oo aan dhexgalay, si aan qoyskaa bur-bur uga badbaadiyo , ilaahayna waa igu garabgalay, Oo mayna kala tagin. Kadib saaxiibadday waxan ka ogaaday oo ay iisheegtay in ninkeedu aanu isbaddalin intuu guursaday naagtakale kadib,waabase kasiiwanaagsanaaday oo sanadihii udambeeyay dareenkiisa xaggayga kuwajahan iyo gacanfurnaaba waxa uu ahaa mid kasiiwanaagsan siduu hore u ahaa, waxa idhi ninkaaga xaaraan lama ogolide, kol haddii arin ilaahay ubanneeyay kudhaqaaqay adigiina wanaag mooyee dhib aadan kala kulmin maxaa inaad reerkaaga dumiso kugu kallifaaya.??? Arintii sidaa ayay wanaag ugu dhamaatay.
Gabadhii suxufiyadda ahayd waxay abaabushay 6sano kadib 2003 inay aasaasto association ay ugu magacdartay isla topic gii ay waagii qortay magaciisa oo ahaa “one wife is not enough”.
Jabba waxa uu kadhacay markii ay howshaa faraha lagashay inay dumarkii wadankeeda oodhan iyo gabadhii qoraaga ahayd madaxa isla galaan oo nafteedii halis lagaliyay.
Waxa iigudarrayd ayay tidhi gabadhaasi in raggii badankoodii iskay garabtaageen halka inkalena dumarkooda iyagoo inay dhibi kagatimaado ka cabsiqaba ay iga horyimaaddaan, dumarkiina kuwa reeraha lihi ha iigud arraadaane col aan noqono, inta tellka igasoo aflagaadaynaysa iyo inta jid iigu hanjabaysaa ay kalabadanyihiin.
Waxa meeshaa ka cad howshan cidda qalinka uqaadataa in ay aflagaado udiyaarnoqoto. Waase arin xaqiiq kudhisan cidday doonto halla qadhaadhaatee.
Waxa kale oo iyana in latilmaamo mudan in fitanka maanta aduunyada hadheeyay ee dhan walba ah ha ugu darraado dhinaca dumarka iyo ragguye ay daawo kanoqonkarto arintani.
Taasi oo ah in baahida ninka uu u qabo xaaskiisa oo kassaraysa inbadan ta dumarka -sida baadhitaanno cilmiyeed oo arintaa kusaabsani inbadan tilmaameen- halka uu ninka naag kaliya lihi xumaan ugu badheedhilahaa marka xaaskiiiisa arin kajoojisaaa meesha
timaaddo in midkale oo xalaala ayjirto, si aanu iyadana dhib iyo xanuun aanay dambigiisa lahayn ugusoojillaabin.
Waayo waxa dhacda siiba sanadadan udambeeyay in niman badani dumarkoodii oo aan waxba galabsan xanuuno ugakeenaan dibadda, taasina ay tahay mid bulshada kucusub, ilaahay haka ddaaweeyo cidda waxaa samaynaysee.
Waxanse u arkaa dumarka oo diiday xikmaddii ilaahay howshaa u banneeyay oo nimankii dagaal kulajira, midhihii dagaalkaasina uu noqdo in qoyskiiba xanuun iyo fitankale soowaajaho.
Waxa dumarbadani lasooboodayaa baahida aad sheegayso ninka naagkale laraadsanaya maanay tiisu uga baahnayn.???
Jawaabtu waa haa way uga baahantahay in laqaddariyana way mudantahay baahideedana ladhowro, laakiin su’aalkale oo taasi jawaab unoqonaysaa waxaytahay ninka wakhti uu kajoogsankaro xaaskiisa oo sida dumrkookale ah majirtaa?????? Waa maya?
Mida labaad ee jawaab unoqonkarta su’aashaahore waxaytahay dumarka xishood ayuu ilaahay ku abuuray kabadan kani ragga, taasina waxay keenaysaa inaanay marna gabadhu muujin baahideeda ku aaddan ninkeeda.
Gunaanadka hadalkayga wali waxan ku adkaysanayaa mowqifkaahore ee ah inay dumarka soomaaliyeed dib ugu laabtaan arrintaas oo ay hoos ugasoodagaan adayga aadka udaran ee ay arintaa kala horyimaaddaan marka ninkoodu kudhaqaaqo ama tala ahaanba uwaydiisto isagoo dhowraya mashaacirteeda dumarnimo.
Khayr ayaan idiin rajaynayaa
Salaamu calaykum waraxmatullah
Ilyas Ahmed
ilyaassom@hotmail.com


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Yaa Ka Mas’uul Ah Guumaysnimada(Gashaanti-Gabowga) Gabadhaha Soomaaliyeed Part(3) "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback