Garaad dharaar nin la yidhaahdo ayaa bari u talin jiray Beelaha soomaaliyeed nin garashadiisana aad loo tuhunsanyahay ahaa oo loo yaqaanay inuu nin aad wax u qaana ahaa dadka beeshiisuna ay aad uga danbeeyaan,
Ninkaasi beeshiisa waxa ka dhacay saban samanada ka mid ah oo saban barwaaqo ah oo ay dadku dhulalka la iskugu yimaado iskugu yimaadaan wuxuu moron ka dhacay Beeshaasi oo aan Geela aad u aqoon laakiin markaa isleh iyagu waad taqaaniin ayay sedex nin ku mormeen Geelu inta naas ee uu leeyahay.
 
 Nin nimankaasi ka mid ahi wuxuu yidhi sedex naas ayuu leeyahay Geelu, mid kalena wuxuu yidhi waar labuu leeyahay kii sedexaadna wuxuu yidhi shan ayuu leeyahay markuu moronkii Nimankii meel xun ka marayo ayaa la yidhi Garaadkii isaga ayaa wax walba yaqaanee Garaadkii hala inoo doono.
 
 Nimankii mid ka mid ah ayaa doonay Garaadkii meel masaafo u jirta oo aad uga fog ayuu u doonay wuxuuna usii sheegay waxay isku haystaan kolkii ayuu Garaadkii isaga oo qoslaya xamaanta kasoo qaatay wuxuu ugu soo sheekeeyay Ninkii maantana waxaad wadaanba ma Geela naasihiisa ayaad isku haysataan inta uu yahay .

 wuxuu yimiday Garaadkii goobtii warkiina waa laga dhergiyay wuxuu mar hadii aad sidaa isku qabsateen waan idin kala saarayaaye nin waloowba wixii aad sharadka ku galaysay keen, nin waliba wixii uu sharadka ku galayay wuu diyaariyay mudadii la isku imanayayna wuu u qabtay Beeshii oo arinka aad u xiisaynaysa ayaa isku timid waxayna lahaayeen Garaadka maskaxdiisa aad aad uga faa’iidaysataan isaguna wuxuu duubtay Cumaamadii uu reerka ku xukumayay halkii buu yimiday wuxuu yidhi maxaad isku haysataan .

 Waabari wuxuu yidhi anigu waxaan leeyahay Geelu sedex naas buu leeyahay waana la iga diiday, Faaraxna anigu labo naas ayuu leeyahay oo waa la iga diiday, Yuusufna wuxuu yidhi shan naas ayuu leeyahay waana la iga diiday markaa arintu waxay socotoba waxay gaadhay Garaadkii intii uu Garaadkii aad u qoslay ayuu yidhi:-

 Ma nimankiina intaasi laa leeg ayaa isku haysta arinkaasi waxaanu ku jawaabay maanta hadii aan dhinto waxa la odhan doonaa Garaadkii reerka muxuu uga tagay muxuuse u sheegay intaase idiin noolahay aadbaan iskaga fiicantihiin wixii aad isku qabsataana wax idiinka jawaaba waayimaysaan Geelu shan naasna ma leh,, labo naasna ma leh, sedex naasna ma leh inta uu leeyahayna waan idiin sheegayaaye Nin waloowba dhegaha aad u raarici, Geelu wuxuu leeyahay waa Xabad weyn oo dib ujeeda  Garaadka aqoontiisu waa mid aad u fog waliba sidaasbuu rabaa inaan reerka cidina ka hor marin.
 
 ALLA MAHADLEH
By Xasan Cabdi Camir. (Xasan Gacan),