Axmed Siciid Cige Iyo Yuusuf Garaad Ayaan U Malaynayaa Inay Shirqool U Maleeyeen…. Muwaadin Reer Boorama Ah
shirqoolayaasha-fmta-bbcda-ee-boorama.jpg

Boorama-(Lug)-Idaacada BBCda laanteeda FMta ee Boorama ayaa maanta duhurnimadii si caadi ah u shaqaynaysay kadib markii ay hawada ka maqnayd wax ku dhow 24 saac. Ka maqnaashaha FMta Boorama ayaa waxa sababay kadib markii ay dabaylo xoogan oo shalay ku dhufteen magaalada Boorama.

Shabakada wararka ee Lughayanews oo booqatay saaka subaxnimadii xarunta FMta BBCda ee Boorama ayaa indhaha soo saartay shaqada ka socotay xarunta ee dib looga shaqaynayay dhamaan qalabka FMta ee Boorama. Waxana ay masuuliyiintu ku macneeyeen ciladan mid farsamo oo wax laga qaban karo.

Hadaba dadka ku nool Boorama ayaa dareeno kala duduwan ka bixiyay maqnaashihii FMta ee Boorama, waxana ay shabakada wararka ee Lughayanews oo makarafoonka la dhex martay ay u cabireen dareenkooda, Maxamuud Xaamud Ibraahim nin magaciisa la yidhaa ayaa xusay dareenkiisa waxana uu yidhi “ waan Yaabay waxana aan u maleeyay in shirqool ay soo maleegeen Axmed Siciid Cige iyo Yuusuf Garaad hawada ay uga baxday idaacadu.

Haweeneey iyaduna la yidhaa Xasna Cumar Samatar oo ku sugnayd gudaha suuqa magaalada Boorama ayaa tidhi “ BBCda si fiican ayaan u dhagaystaa markaan waayay waan la yaabay kolay gobolku markii horaba dib u dhac iyo cadaadis ayuu ku hayay wariyaha Hargaysa ee BBCdu imikana waxaan u maleeyay in la quudhi waayay hormarka aan gaadhnay.

Si kastaba ha ahaatee badi dadku waxa ay ka sinaayeen dareenka ku wajahan inay BBCdu hawada uga baxday faragalin shisheeye wax ay ugu yeedheen balse xaqiiqdu waxa ay tahay inay dad badani isla markiiba soo dhoweeyeen soo laabashadeeda.   

Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Boorama