Madaxweynaha JSL. Mudane Daahir Rayaale Kaahin, ayaa Maanta soo saaray Warsaxafadeed kooban oo loo qaybiyey Warbaahinta, kaasoo ku saabsanaa dadka ku xukuman fal dambiyeedka Argagixisadda ee haatan ku xidhan Jeelasha Somaliland.
Nuxurka Warsaxafadeedkaasi xambaarsanyahay waa sida hoos ku qoran:-
Socdaalkaygii ugu danbeeyey ee aan ku tagay qaaradda Europe waxaa culays la igu saaray in aan sii daayo dadka ku xukuman falalka argagixisanimadda ee hada ku jira jeelasha Somaliland.
Waxaan aad ugu kalsoonahay uguna hanweynahay in cadaalada Somaliland ay tahay mid aan u nuglayn in faragelin dibadeed lagu sameeyo mana jiraan wax nagu khasbaaya in aanu jeelasha ka siidayno dadka ku kacay danbiyada argagixisinimada lana xukumay, kuwaas oo isku dayey in ay ugaystaan Shacbiga Somaliland weeraro argagaxisinima ah.
ALAA MAHAD LEH
Siciid Cadaani Mooge
Af-hayeenka Madaxtooyadda


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Warsaxaafadeed kasoo Baxay Madaxtoyada Jamhuuriyada S/land "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback