Borama-(Lug)- Madaxii xidhiidhka dadweynaha, wasaaradda warfaafinta C/qani Axmed Askar ayaa sheegay inuu xilkii uu wasaaradaasi ka hayey iska casilay isla markaana ku biiray xisbiga Kulmiye.

C/qani Axmed Askar ahaanna agaasimihii maamulka lacagta TVga qaranka  kana tirsanaan jiray weriyayaasha Radio Hargeysa ayaa sidaa ka sheegay xaflad lagu qabtay Tuulada Qabri Dhaaweel kana tirsan degaanka Dila, xafladdaasi oo ay kasoo qaybgaleen wafdi u hogaaminayey musharraxa mansabka madaxweyne ku xigeenka xisbiga Kulmiye Eng.C/raxmaan Saylici iyo masuuliyini sarsare oo ka tirsan xisbigaasi, shalayna magaalada Dila ka furay xarun xisbiga Kulmiye ku yeelan doono degaankaasi.

C/qani Axmed Askar oo ka hadlay munaasabaddii lagu soo dhaweynayey ku biiritaankiisii xisbiga Kulmiye ayaa hadal uu ka jeediyey ku sheegay inuu xilka wasaaraddaasi iskaga casilay arrimo door ah isagoo yidhi “Muddo toddoba sano ku dhawaad ah ayaan xoog iyo dedaalba kula shaqayayey maamulka dawladda ee wasaaraddaasi, hase yeeshee waxaan ogaaday in dedaalkaasi ku dhacayey meel cidlo ah, isla markaana aanay jirin cid ka fikiraysa horumarka dalka, Xukuumadani waxay noqotay mid ku fashilantay xilkii loo doortay, sidaa darteeda loo baahan yahay in la helo cid kale oo qabata hoggaanka dalka, aanan ku kalsoonahay inuu yahay xisbiga Kulmiye markii aan arkay baraamijkiisa siyaasadeed, Anigoo kasoo jeeda degaanka Dila waxaan u mahadcelinayaa masuulyiinta xisbiga ee sida sharafta leh igu soo dhaweysay xisbiga kulmiye “.

Aadan Maxamuud Hoorri ahna wasiirku xigeenkii hore ee hawlaha Guud ee xilkaana iska casilay oo isna munaasabadda soo dhaweynta agaasimahaa hore ka hadlay ayaa dadweyaa degaanka Dila uga mahadceliey siday u garteen meesha loo socdo maanta oo ah ah isbeddel Aadan Maxauud Hoorri oo arrimaaasi ka hadlaaan waxa u yidhi ” Looma baaha toll’aayey aan waxba kuu tarayn. Madaxweynuhu waa inaga , waxaan u dooranay kalgacayl iyo walaalnimo , haddiise xilkii aan u dooranay walaalkeen maanta dalkii iyo dadkeenniiba waxba u qaban waayey , waxa waajib ah inaan doorano cid kastoo wax ina taraysa . maanta Dila waad aragtaan , waa badhtanka Hargeysa iyo Boorama, waxaanay noqon lahayd Dubai oo kale haddii dib loo dhiso .Magaaladan waxa kasoo baxay ugu yaraan 300 oo aqoonyahan oo kasoo baxay, way dhisi karaan ,waxana farriin u diraa aqoonahaadaasi oo aan leeyahay waar magaaladii aad kusoo barbaarteen , wax usoo qabta “.

Waxa kale oo iyaguna muaasabaddan soo daweynta ah ka hadlay cuqaal iyo waxgarad kasoo jeeda tuulada Qabri Dhaweel , kaasoo ku taageeray ku biiritaanka C/qani Askar ee xisbiga Kulmiye, uga ballanqaaday inay taageeri doonaan.

Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyena)
Lughayanews-Borama