Xukuumadda maantu waxay soo celinaysaa dagaaladii sokeeye ee 93kii dhammaaday “‘
Reer Awdal waxaan leeyahay sidii la idiin doortay maanta u doorta xisbiga Kulmiye oo abaalkii celiya”
Borama-(Lug)-Dadweynaha magaalada Dila ayaa shalay magaaladaasi kusoo dhaweeyey wafdi hogaaminayey musharaxa mansabka m/xigeenka xisbiga Kulmiye Eng.C/raxmaan Saylici oo shalay magaaladaasi booqasho hawleed ku tegey xarun cusub oo xisbigaasi leeyahayna ka furay.
Wafdigan oo ay ka mid ahaayeen Prof.Ismaaciil Muumin Aare Axmed xuseen Oomane, Aadan Jaamac Hoorri iyo masuuliyiinta xisbiga Kulmiye ee gobolka Awdal ayaa kaddib markii la furay xafiiyadaasi kala hadlay dadweyaha iyo taageerayaasha xisbigaasi ee degmada Dila .
Musharaxa m/xigeenka oo dadkaasi la hadlaaana waxa uu yidhi “waxaan idiinkaga mahadacelinayaan sida tolnimada iyo Somalilandnimadaba leh eed noosoo dhaweyseen . Waxaan maanta u nimid inaan idiin furro xafiiskii xisbiga Kulmiye, welina olole lama gaadhin . Maanta waxaan u soconnaa isbeddel , isbeddelka maaha qof qof ku beddel ee waxa weeye inaan mustaqbalkiina iyo ka dalkaba isbeddel ku samaynno mustaqbalkiina iyo ka dalkaba, maaha isbeddelka shaksiyaad shaqo la siiyo, dadka caddaladbaa deeqda, Maanta Dila biyo ma haysato0, caafimaad ma haysato, farrinta aan idiinsoo gudbinayaa waxa weeye doorasho way dhacaysaa bari iyo galbeedbana isbeddelbaa diyaar loo yahay, Annaga haddaad na doorataan naftayada u shaqo tegi mayno, daaro dhisan mayno sida ay yeeleen kuwii aad doorateen doorkii hore. Dila maanta biyo ma haysato, caafimaad ma haysato, waxanan idinkula dardaarayaa inaad halkaa kasii waddaan barnaamikana dhuuxdaan”.
Prof.Ismaaciil Muumin Aare oo isna munaasabadda furitaanka xafiisyadaasi ka hadlay ayaa yidhi “degmada Dila waxa soo maray dhibaatooyin aan soo marin magaalooyinka kale , gobolkani sidiisaba isagoo qaba dhibaatooyi kale ayaa haddana Dila waxa u dheer biyo la’aan , caafimaad la’aan iyo shaqo la’aan . Waxa kale oo degmada wiiqay dagaaladii sokeeye waana lasoo celiyey oo hubkii aan 93kii xereynay ayaa maanta soo muuqda, dawladnimadu hadday tabarweydo, dadku wuu isku yaaci .sharcigana la fulin waayo, Iyadoo nabaddii Cigaal taagay ayaa dawladdi Rayaale qabsatay, markii dadku qoryihii daadiyeen, gobollo ayaa la bixiyey .dagaalada sokeeye waxa soo celiyey labaatan gobol oo la magacaabay ma gobolbaa qabiil la siiyaa, gobolnimo waxa lagu bixin karaa khayraadka xoolaha, beeraha iyo sharci.dee markii gobol cid kasta la siiyey nabadxumada iyo dagaal sokeeye wuu bilaabmi. ilaa Baysaare ilaa kaxdii waan soo maray, reerihii iyo dadkii oo la raray Meel loo rarayo maannaan ogin, dawladdii aaway wixii halkaa ka dhacay waan wada ognahay.Dila waxa niyad jabiyey arrimahaasi , haddaanna kulmiye nahay waxaan jecelnahay inaan dhallinyarada jabanuhu iyo dagaalku xayraamiyey shaqo u samaynno, Dilana biyaheedii iyo caafimaadkeedii aan kor u qaadno . dee boqor maynaan dooran, inankeeniina innooma abaalgudin, haddanu abaalgudin ninkii Somaliland ahi xaqbuu u leeyahay in la doorto isbeddelku xagga samada ayuu ka yimaadda , haddii la garan waayo berribaa laga qaadi .maanta isbeddel ayaan diyaar u nahay”.
Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye ee G/Awdal Ibraahin Aadan Qaalib oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Dila waxaan 95kii ka helay cod badan, waa dad go’aan leh .magaaladani lixdankii waxay ahayd sub-district, maantaa waad aragtaan waa magaalo baayacmushtar oo shan jid ayaa soo gala ama ka baxda haddii Kulmiye guuleysto sidan waan u dhaamaynaa . Midda kale dimuqraadiyadda Somaliland Gebilay ayey ku joogtaa maasoo gaadin G/Awdal, xaggee lagu arkay wiil yar oo jid ama gidaar wax ku qoray oo la xiday. Waxa xabsiga ku ira wiil yar oo la yidhaa Axmed Caarshe muumin oo jidka laamiga ah Kulmiye ku qoray, diiwaangelintii waad ogeydeen in hawlwadeenadii idin doortay diiwaangelinta oo la doonayo in la carqaladeeyo dawladduna laaluush kula wareegeysay. Waxana leeyahay reer Awdaloow waa la idin doortay oo reer Somaliland baa idin doortay maanta abaalkii celiyoo doorta Axmed Siilaanyo iyo Eng. Saylici”.
Waxa kale oo isaguna halkaasi ka hadlay cuqaal iyo waxgarad kasoo jeeda degaanka Dila, kuwaasoo ballanqaaday taageerada xisbiga kulmiye sheegeya inay ku hungoobeen xukaddii ay doorteen 7sano ku dhawaad ka hor.
Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyena)
Lughayanews-Borama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Wafti Uu Hoggaaminayey Musharraxa M/Xigeenka Kulmiye Eng.Saylici Oo Dila Lagu Soo Dhaweeyey , Xisbigaasina Xarun Uga Furay Magaaladaasi "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback