Hargeysa-(Lug)-Guddoomiyaha Olalaha Doorashada Madaxtooyada ee Xisbiga UDUB Cismaan Cabdillaahi Cigaal ayaa gacan  laga jabiyey, isla markaana dhaawacyo kale la soo gaadhsiiyey, kadib markii ay weerar ku soo qaadeen koox dhalinyaro ah oo la sheegay inuu hogaaminayey sarkaal ka tirsan Xisbiga UDUB oo ay  dhex martay xurguf ka dhalatay  lacag la siinaayey Muraaqibiinta Xisbiga UDUB u joogay goobaha kaadhadhka lagu badalayay.

Xafiiska Olalaha Doorashada Madaxtooyada ee UDUB oo manta subixii hore uu gacan ka hadalkani ka bilowday ayaa markii uu cabaar dagaal ka gacanta ahi socday waxa la isku adeegsaday rasaas oo labada dhinac-ba waxa ay ku qalabaysnaayeen Baastoolado.

 Ma jiro war rasmi ah oo Xisbiga UDUB ay ka soo saareen falka lagu dhaawacay Guddoomiyaha olalaha ee UDUB, hase yeeshee mar aanu isku dayday in aanu khadka talefoonka kula xidhiidho Cismaan Cabdillaahi Cigaal ayaanay noo suurto gelin Mobile-kiisa gacanta oo xidhaa awgeed.

Ramaasnews