somaliland-logo.jpgMadaxweynaha JSL. Mudane Daahir Rayaale Kaahin, ayaa Maanta Magacaabay Guddi loo Xilsaaray Hawlaha Dar-dargelinta Doorashooyinka Madaxtooyadda ee Xisbiga UDUB. Oo uu Gudoomiye u noqondoono Madaxweyne Ku Xigeenka JSL. Mudane, Ahmed Yuusuf Yaasiin.

Madaxweynaha JSL. Mudane Daahir Rayaale Kaahin, go’aankaasi uu ku Magacaabay Guddiga Abaabulka Doorashooyinka Madaxtooyadda ee Xisbiga UDUB, waxaa u ku sheegay in iyada oo Maalmo koobani ay ka hadhsantahay Olalihii Doorashooyinka Madaxtooyadda in ay lagama Maarmaantahay in la Sameeyo Guddi ka hawlgasha Ololaha Doorashooyinkaasi ee Xisbiga UDUB.

Guddidaasi oo uu Guddoomiye u noqondoono Madaxweyne Ku Xigeenka Mudane Ahmed Yuusuf Yaasiin, Ku Xigeenkiisana uu noqondoono Xog-hayaha Guud ee Xisbiga UDUB Mudane Jaamac Yaasiin Faarax, waxaa ay ka Masuul Noqondoonaan Arrimaha ololaha Doorashooyinka ee Xisbiga oo Maalmo yari ka hadhsanyihiin wakhtigii la bilaabi lahaa.

Waxaa kale oo Madaxweynuhu uu amar ku bixiyey in iyana ay sida ugu dhakhsaha badan uga hawl gelidoonaan dhamaan Xubnaha sar-sare ee Xisbiga UDUB Gobolada iyo Degmooyinka Dalka oo dhan wakhtiga la bilaabo ololaha Doorashooyinka”

ALAA MAHAD LEH

AF-hayeenka Madaxtooyadda
(Siciid Cadaani Mooge)