awdal-rest-and-caf-borama-12.JPGBoorama-(Lug)-Gudoomiyaha Gobolka Awdal Maxamuud Sh. Cabdilaahi Cige yaa maanta  xadhiga ka jaray Awdal  Restaurant  and Cafeteria cusub oo maanta laga furay magaalada Boorama, munaasibada furitaanka  restaurentkan ayaa waxa kaqaybgalay, Ganacsato, Culimaaudiin, Cuqaal, iyo dadwayne aad u farabadan.

 awdal-rest-and-caf-borama-12.JPG

Saleebaan Yuusuf Caynaan oo ku hadlayay magaca Mulkiilaha Awdal Restaurant And Cafeteria Mudane Wihiib Jaamac Wacays ayaa isaga oo kahadlaya qiimihii uu kukacay dhismahan iyo mudadii uu socday waxa uu yidhi.’ Waxaa ku baxaday dhismahan maanta xadhiga aynu ka jarayno lacag kabadan 70,000 oo doolar waxaana  uu soday mudo kabadan 3 bilood. isaga oo hadalkiisa siiwata waxa uu tilmaamay in maata caalamku uu noqday tuulo kaliya  taasi oo u sahlaysa  dadka dibada in ay abuuri karaan  ganacsiyo kala duwan.

awdal-rest-and-caf-borama-4.JPG

Waxa isaguna munaasibadaasi kahadlay Gudoomiyaha gobolka Awdal Mudane Maxamuud Sheekh Cabdilaahi Cige, isaga oo uguhorayn mahadnaq u soojeediyay mulkiilaha maalgaliyay Restourankan,  waxaanu ku tilmaamay in ay mudantahay in laga qayb qaato horumarka iyo bilicda magaalada lana soo kordhiyo gacasiyo cusub oo abuura shaqooyin korna u qaada dhaqaalaha. Waxa  kale oo uu  ugu baaqay jahliyadaha dibada in ay  maal gashadaan dhulkooda.

awdal-rest-and-caf-borama-13.JPG

Gudooomiye ku xigeenka hayada Asarda  Cabdiqaadir Aadan Nuur oo isaguna ka hadlay madashan ayaa waxa uu xusay inay mudan tahay in la dhiiri galiyo maalgalinta dalka hooyo waxana uu yidhi “ Maalgalinta maantu waxa ay horseedi doontaaa in uu dalka oo dhani noqdo mid hormar sameeya si taasi loo helo waa in la dhiiri galiyaa dadka gudaha iyo dibadaba inay maalgashadaan dadkooda.

 awdal-rest-and-caf-borama-10.JPG

 

Sul. Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal oo munaasabadan ka hadlay ayaa isaguna sheegay uu si wayn ugu mahadanaqayo qurbojooga maalgashaday xaruntan waxana uu tilmaamay inay rintani wax wayn ka tari doonto bilicda magaalada waxa kale oo uu intaasi daba dhigay “ Eebe waxa aan uga baryaynaa inuu uga soo celiyo lacagta ka gashay wiilashan”.

 awdal-rest-and-caf-borama-6.JPG

Sh. Cabdilaahi Sh. Cali Jawhar oo isaguna ka hadlay madashan ayaa si wayn ugu duceeyay xaruntan iyo wiilasha maalgashadayba waxana uu tilmaamay in ganacsiyada sidan oo kale ahi ay yihiin kuwo loo baahan yahay. Waxa kale oo uu sheekhu ku duceeyay Xaruntan cusub waxana uu Ilaahay uga baryay in ay noqoto mid risiq xalaal ah laga quuto.

 awdal-rest-and-caf-borama-8.JPG

Gud. Ku xigeenka Gobolka Awdal Cabdi Nuur Sugaal oo isaguna ka hadlay madashan ayaa waxa uu cabiray inuu aad ugu farsxan yahay sida ay xaruntani u noqondoonto mid ay dhalinyaro badani ku soo hortaan isla markaana ay ka helaan adeegyo hufan, waxa kale oo uu dhiiri galiyay ganacsiyada gaarka loo leeyahay.

 dsc05381.JPG

Awdal Restaurant and Cafeteria ayaa waxa uu ku yaalaa bartamaha magaalda boorama waxana uu yahay xarun cusub oo loogu talo galay in wax laga cuno waxna laga cabo isla markaana ay ka qayb qaadato koboca dhaqaalaha iyo bilicda magaalada Boorama.

 awdal-rest-and-caf-borama-2.JPG

awdal-rest-and-caf-borama-9.JPG
 

 Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Boorama