
Wiilashu Way Fiicnaayeen Balse Waxa Ay Wali KA Didsanaayeen Dayaankii Qaraxa iyo Aragtidii Maryihii Dhiigiu Qariyay iyo Hadhaaagii Hilbkii Cadcadka Noqday ee Labdii Haweekana Ahaa AHUN”
Boorama-(Lug)-Qolka Gargaarka degdega ah ee cisbataalku waxa uu ahaa mid aan shanqadh lahayn markii ay halkaas soo gaadhay shabakada Lughayanews, waxa ay dawayni uga kala socotay labadan wiil ee dhaawaca ahaa laba qol oo kala duwan isla markaana ay maryo cadcadi ku cidhan yihiin. Waxa dultaagnaa qaar ka mid ah eheladooda oo noo sheegay in ay fiican yihiin maanta kadib qaliino iyo dawayn xoogan oo maalmihii ina dhaaafay ay dhakhaatiirtu ku sameeyeen.
Waxa la noo ogolaaday inaan wax waydiin karno waxana aan ku horaynay Xamse Cumar Cismaan oo ay da’diisu tahay 11 Jir isla markaana dhaawacyo badani ka muuqdeen, waxa aan waydiinay waxa uu dareemayo waxana uu isaga oo dhoola cadaynaya noogu jawaabay waan fiicanahay… waxa aan sii waydiinay sida uu wax u qabo iyo meesha ugu daran ee xanuunaysa… ma lahayn meel gaar ah oo uunoo sheegay waxa uu noo tilmaamay dhawr meelood uu nuu madaxu ugu daran yahay. Waxa aan damacnay inaan waydiino bal meesha ay ka heleen walaxdan qaraxday waxana uu farta noogu fiiqay saaxiibkii oo aan meel ka fogay jiifa oo uu yidhi “ isaga isaga ayaa soo qaatay aniga ma ahay…..” Wiilkan yar oo ahaa wiil hooyadii ku waayay qaraxaas nooma suura galayn inaan waydiino bal waxa uu ka xasuusto sida uu qaraxu u dhacay. Haweeneey dultaagnayd oo ka mid ahayd eheladiisa ayaa Lughayanews ku tidhi “ waxa uu wali dareensan yahay sidii ay hooyadii u dhimatay wuu sasayaa waanu jidh diidsan yahay ilaa shalayna waxba ma cunin.
Hore ayaan u sii gudubnay anaga oo markan is dul taagnay Yaxye Indhonuur oo ay dadiisu qiyaastii tahay 13 jir. Waxa ku xidhnaa baandhajyo lagu dhay oo dhawr meelood kaga xidhnaa… dhaawacyadiisu waxa ay haaayeen kuwo muuqda sidaasi oo ay tahay hadana wuu fiicnaa oo wuu hadali karayay, waxa dultaagnaa aabihii Indhonuur iyo ehelo kale. Waxana ay noo fasaxeen inaan la hadalno. Waxa aan ugu horayntii waydiinay meesha uu ka soo helay waxa qarxay iyo sidii ay u ekeyd waxana uu yidhi “ waxa ay lahayd dabo buuran oo camuud ka buuxdo iyo afdheer oo dhalaalaya waxa an ka soo helnay beeraha maalintii oo dhana waan ku ciyaaraynay. Sida saaxiibkii oo kale nooma suuroobin aan wax ka waydiino sidii ay wax u dhaceen.
Aabo Indhonuur Cumar Caateeye oo aan kula kulanay isla goobtaas ayaa waxa uu noo faahfaahiyay sida ay waxwalba u dhaceen waxana uu yidhi “ waxa ay ahayd abaaro 11kuu duhurnimo 24kii May, waxa aan maqalnay qarax wayn oo ka dhacay meel reeraha dhexdooda ah waxana aan ku orday meeshii…. Waxa iga horyimiday wiilkayga oo ordaya oo dhiig ka da’ayo waxana uu igu yidho aabo edo way dhimatay… waan sii dhaafay waxana aan markiiba indhaha saaray hilib dhiig iyo maryo fidhidhsan maad kala soo ci karayn cida ay yihiin, balse waan ogayn inay hilbahani yihiin Alle ha u naxariistee labo haween ah oo goobta joogay.
Aabo Indhonuur waxa kale oo uu yidhi “ ma aqaan waxa qarxay waxa uu ahaa balse tilmaantii ay nasiiyeen caruurtu waxay noola muuqatay qarxiye miino.
Degaanka uu falkan naxdinta lahi ka dhacay daraad ayaa waxa uu ahaa degaanka Geed-diqsi oo 10km dhinaca waqooyi bari kaga beegan magaalada Dilla waxana duhurnimadii maalintii Isniintii halkaasi ku naf waayay Alle ha u naxariistee labo haween ah oo magacdoodu kala ahaayeen Khadiija jaamac Cilmi iyo Asma Axmed Saxardiid kadib markii ay ku qaraxday walax loo maleeyahay qarxiye miino oo ay caruur yaryari ku ciyaaraysay.
Digaanka Geed-diqsi ayaa waxa uu waayihii hore xarumo Milatari oo iska dambeeyay u ahaa askartii dawladii kacaanka iyo jabhadihii la oran jiray Somali-galbeed ilaa waqti xaadirkan ayaa degaamadaasi waxa ay u dhow yihiin degaamada lagu muransan yahay ee Koonfurta Deg. Baki waxana hubaal ah inay wali daadsan yihiin hadhaaga walxaha qarxa oo halis wayn ku haya xoolaha iyo dadka degaanka.
Wiilashan yaryar ayaa waxa ay u baahan yihiin gargaar caafimaad oo degdeg ah.
Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Siday Ahayd Xaalada 2dii Wiil Ee Ku Dhaawacmay Qaraxii Walaxaha Qarxa ee Deg. Geed Diqsi Markii Ay Shabakada Lughayanews Booqatay "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback