Maanta Daahir rayaale madaxweyne maaha ee waa Musharraxa xisbiga UDUB
Waxan Daahir Rayaale ku xusuusnaynaa laba labada qol ee uu Boorama ka dhistay
Maanta reer Awdal qafiskii lagu xidhay wuu jilcay wayna ka baxayaan
“Siilaanyo kuma jirin kuwii Boorama soo galay, kumana jirin kuwii kalabaydh ku laayey jidgooyada”

Borama-(Lug)- Xisbiga Kulmiye ayaa maanta Boorama kusoo dhaweeyey boqolaal ka tirsan beel ka mid ah beelaha degaanka Boorama ee uu kasoao jeedo madaxweyne Rayaale kuwasoo caddeeyey ama xubno magaca cidooda ku hadlay caddeeyeen inay kasoo baxeen xisbiga UDUB taageeradoodiina u leexinayaan xisbiga Kulmiye.

reer-axamed-oo-ku-biiray-kulmiye-1.JPG

Xaflad lagu qabtay magaalada oo ay kasoo qaybgaleen musharaxa mansabka madaxweyn ekuxigeenka xisbiga kulmiye Eng.C/raxmaan Saylci iyo masuuliyiinta xisbigaasi heer gobol ilaa heer qaran , cuqaal , salaadiin , garabyada haweenka ee xisbiga Kulmiye iyo ku dhawaad 340 xubnood una badan dhallinyaro kasooa jeeda beesha reer Axamed (J/Yoons/ Makaahiil/Samaroon ) , siyaasiyiin ka tirsan xisbigaasi iyo martisharaf kale ayaa laga soo jeediyey khudbado isugu jiray sababaha beeshaasi ugsoo biirtay kulmiye .waxtar la’aanta xukuumadda iyo xaaladda siyaasadeed ee dalka doorashooyinka iyo arrimo kale .

reer-axamed-oo-ku-biiray-kulmiye-2.JPG

Ugu horreyn waxa halkaasi ka hadlay C/naasir Maxamuud Qawrax oo kuna hadlay magaca beeshaasi iyo sababaha ay xisbiga mucaaradka ah ugusoo biireen isagoo yidhi “Waxa maanta noo farxad ah inaan kusoo biirro xisbiga isbedelka .waa isbeddel kasoo bilaabmay shakhsiyaad , balse maanta soo gaadhay heer degmo .waxaan caddaynaynaa inaa awoodadayada, maskaxdayada iyo maalkayagaba ku bixin doonaa taageerada xisbiga uu musharrax ka yahay Eng.Saylci ee kulmiye, Eng.Saylci wuxuu u hiiliyey musharraxii ka horreeyey ee mansabkaasi , annaguna maanta inaan taageerno ayaa nagu waaib ah .

maanta lama odhan karo reer Boorama madaxweyne leeyihiin waayo waa musharraxa xisbiga la yidhaa UDUB , madaxweynenimadii way soo dhammaatay haddaan horumar doonayno waxa weeye innagoo taageerna kulmiye , xafiisyo ayaan furray xisbigu leeyahay , waxan leehay culaysbaa la saaray beesha oo la xidhay siyaasiyiin ka tirsan oo xisbiga kulmiye ka tirsan, waxaan aaminsanahay inaan UDUB codkii ansiinnay khasaaray maantase aan ka tashannay.

reer-axamed-oo-ku-biiray-kulmiye-3.JPG

Cheif Caaqil Daahir Maagtire oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Anigoo ka mid cuqaasha  beesha Axmad Yoonis aadbaan ugu faraxsanahay xafladdan qiimaha leh .Beesha Axamad waa isbdeldoon kasoo baxay UDUB ee gilin taageeraynay , taageeraadiisiina aan waxba ku weynay cadaadis mooyaane waxan maanta inii sheegeyaa ee madaxweyne kuxigeenku ka oogo halkan inaa taageeradii beesha usoo wareeinnay xisbiga “.

Raxma Ibraahim kana md ah garabka haweenka ee kusoo biiray xisbiga kulmiye ayaa tidhi ‘Annagoo aanay cidina la khasbayn, caqligayaguna fayawyahay waxaan si buuxda ugusoo biirray xisbiga kulmiye oo aan taageereynaa “.

Dacar oo ka tirsan masuuliyiinta xisbiga kulmiye ayaa isna yidhi ‘waxaan ka xunnahay xadhigga sharcidarada ah lala beegsaday masuulyiinta xisbiga ee ku mid yahay Maxamed Daahir Cabdale oo markii labaad dawladda Rayaale xabsiga u taxaabtay, waa gardarro, waana sharcidarro “.

Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye ee g/Awdal Ibraahim Aadan Qaalib ayaa isna yidhi “waxaan ku faraxsanahay teaageerada ay maanta nasiinayaan beel ka mid ah beelaha J/yoonis ee uu kasoo jeedo madaxweyne Rayaale, shalay waxa taageeradii tulamid ah .Dila nagu siiyey beesha Reer Nuur oo iyadna ka tirsan beelaha Makaahiil ee uu kasoo jeedo madaxweyne Rayaale, Reer Axamed waxa ka dhashay Marxuum Aadan Isaaq oo la ogaa waxtarkii dhinaca waxbarashada ee gobolka Awdal, xornimadii Somaliland taasoo laga garan karo sida beesha Makaahiil xoogga u saaratay isbeddelka siyaasadeed, iyadoo cadaadis badani kaga imanayo dawladda , gobolka. maalin dhaweyd meel aanay waxba ka dhcin ayaa lagu soo xidhxidhay saddex masuul oo ka tirsan xisbiga kulmiye .Waxaan ogahay in maalmaha soo socda kuwa kale ama beelo kale oo beeshaydu ka mid tahay kusoo biiri doonaan, marka walaalayaal sidi la inoo doortay 2003dii ee beelaha Somaliland u doorteen Rayaale aan maanta abaalkii aan u celinooo an dooranno siyaasiga ruugcaddaaga ah ee Axmed siilaanyo iyo Eng.C/raxmaan saylci. halkanbay xukuumaddu noogu timid oo ay lahayd kaadhadhka u qaata boqol boqol, annaguna waxaan lahayn kadhkiinna qaata, ma taasaan sugnaa “.

reer-axamed-oo-ku-biiray-kulmiye-4.JPG

Amaal Xaaji Axmed Miisaan guddoomiyaha garabka haweenka xisbiga Kulmiye ee g/Awdal oo halkaa ka hadashay ayaa iyadna tidhi “waxaan maanta soo dhaweynaynaa cudud ka mid ah cududdaha beeelaha g/Awdal gaar ahaana Boorama oo aan tabaynaynay in muddo ah , waxaanan beeshaasi u sheegeyaa qiimaha beeshaasi u leedahay xisbiga iyo isbedelkaba uu sheegeyaa guddoomiyaha xisbiga Axmed Siilaanyo iyo guddiga sare ee xisbiga iyagoo weliba lagu cadaadis goostay inaya taageeradooda siiyaan xisbiga. innagu ma ridaynno madaxweyne keliya waxaan ridaynaa waa nidaam dawladeed oo wax ma tare ah, dadkuna waa xor meeshay dantooda ka arkayaan waay muuqataa, sidaa darteedna codkiinna u siisaan xisbiga kulmiye ” .

reer-axamed-oo-ku-biiray-kulmiye-5.JPG

Suldaan Daahir Cilmi oo isna halkaa ka hadlay ayaa yidhi “waxaan ku faraxsanahay in shicibkii reer Boorama iyo reer Awdal qafiskii lagu hayey wuu jilcay oo wuu debcay ,sidaa darteedna uu xajin kari waayey.beeshan degaanka Boorama iyo beeshii Dila loogu tegey shalay waxay ahaayeen tiirdhexaadka xukuumadda Rayaale, qafiskii ay dadku ku xidhayeen badhasaabka iyo  Indhaqarshe ma shaqayn doono .kulmiye xisbi cadhaysan maaha ,lacag ma doonayo waa xisbi saxaya khaladkii xukuumaddu gashay, Siilaanyo waa siyaasiga labaad ee Somaliland marka lagu daro marxuum Cigaal, isagaana dalka horumar gaadhsiin kara, kumana jirin kuwii dadka ku laayey kalabaydh , waana aqoonyahan cilmiga dhaqaalaha ah “.

Mud Oomane oo isna halkaa ka hadlay ayaa yidhi “ma hadhin hadal la is yidhaahdaa, haddii la moodayey inaan Rayaale qabyaalad ku taageeranaynay waa kaa .berrina qolyo kale ayaa ku xiga berri .Makaahiil, reer nuur ka yimid oo reer Axamad ka yimaaddeen maxaa UDUB u hadhay, guushana alla inagama reebo”.

Aadan Maxamuud Hoorri wasiir kuxigeenkii hore ee wasaaradda hawlaha guud oo isna halkaa ka hadlay ayaa yidhi “xilka waxaan ka tegey markaan garanwaayey dhankay dawladdu wax u waddo, reer Axamedna waxaan leeyahay kusoo dhawaada xisbiga , waanan idin aqballay sidaad ugusoo xadhko xidhateen kulmiye”.

reer-axamed-oo-ku-biiray-kulmiye-6.JPG

Xil.Abuubakar Cabdi Good ayaa isna munaasabaddan ka sheegay ooo yidhi “waxaan tebeyey tolkay reer Axamed oo gartay dabayshu meeshay u socoto, aanan doonayo in sidii shanta gobol ee Somaliland u doorteen maanta loo doorto kulmiye oo aan kaga horreyno gobolada kale .siyaasadda iyo horumarka dadbaa u dhinta qaarbaa loo xidhxidhaa sidii Mandela, innaga waxyar baa inooga hadhay.waxaad arki doontaan maanta wixii ka dambeeya dad aan idin aqoon oo idin sasabta ha yeelina .walaakeena Daahir Rayaale waan ka dhaxallay oo aan ku xusuusanaynaa laba qol iyo qolal uu ka dhistay Boorama. Toddoba sano ayuu joogay iyo in ka badan, maantana wuxuu leeyahay jidbaan dhisayaa waa toobaddi fircoon, miyaan ka yeellaa , beelaha degaanka ah ayuu ka ilaaliyey kuraastiisa, waxanan ballanqaadaynaa inay hormood ka noqon doonaan.”.

reer-axamed-oo-ku-biiray-kulmiye.JPG

Musharaxa mansabka m/xigeenka Eng..Saylci oo soo gebogebaayey xafladda ayaa yidhi “Waxaan maanta soo dhaweynaynaa dadkii degaanka Boorama oo awooddoodii kusoo biiriyey Kulmiye, garashada ay garteen nin ku xigaba allaa kaa xiga, walaalkeen Rayaale waan doorannay shalay , kuwa gartay inuu codkoodii khasaaray ayaa mahadcelin mudan.cadaaladbaa dadka deeqda, cabudhinbaa gobolkan hadhaysay, halkayse ku dambeeyeen kuwii koobka dahabka wax ku cabbi jiray ee dadka madaxa ka guri jiray. ragbaa xidhan waa nasiibdarro, waxa lagu cadaadinayaa maxaad kulmiye u taageerteen .waxaannu adkaysanaynay in dalka isbedel ka dhaco, waanay dhawdahay. waxa Reer Booramana beenta  geliyey ee ah kulmiye dagaalbuu keeni, waa siyaasad kuwa xukunka haystaa toddoba sano ka shaqaynayeen inay dalka wax ugu qaban lahaayeen, annaguna isbeddelbaan ka shaqynaynay, waanan mideyn doonaa reer Awdal, qabyaalad iyo wax kalena ku shaqayn mayno”.

Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyena)
Lughayanews-Borama