Borama-(Lug)-Haweenay ka tirsan muwaadiniinta degaanka Boorama ayaa xeer iliyaha gobolka Awdal Axmed Cismaan Mire ku eedeysay inuu la saftay dembiilayaal dhulboob ah, isla markaana uu ka duudsiyey xuquuqda ay u leedahay hantideeda .
Qalin Xasan Buuni oo ay walaalo yihiin Marxuum Cabdi Cabdi Buuni wasiirkii hore ee xidhiidhka Golayaasha ayaa qoraal ay soo gaadhsiisay Lughayanews ku sheegtay in xeer ilaaliye Axmed Cismaan Mire uu awoodda xilka qaranka uu u hayo xabsiga kasii daayey dembiile u xidhnaa boobka dhul ay aabaheed ka dhaxashay, hay’adaha sharci fulintuna qoraal u siiyeen lahaanshaheeda, kana horoogsaday inay hantideeda sifo sharci ah ugu dacwooto . qoraalkaasi ay soo gaadhiisay Lughayanews ayaa u qoraa sidan:-
“Waxaan halkan ka caddaynayaa in xeer ilaaliyaha gobolka Awdal Axmed Cismaan Mire uu xuquuqdaydii ku tuntay, lana saftay dad boobay dhulbeereed qayb ahaan la ii siiyey dhaxalkii aabahay .dhulkaasi oo ku yaalla Boorama cabbirkiisuna dhanyahay 20×30m hore loogu xidhay cidda maanta igu haysta 23-10-2003dii, wakhtigaasoo ciddi igu haysata lagu amray inay gacmahooda ku dumiyaan dhisme ay halkaa ka wadeen. arrinkaa waxa ka hadlay isla markaana qayb ka qaatay Taliyaha saldhigga Booliska Boorama , maxkamadduna qoraal igu siisay lahaanshihiisa .maanta ayaa mar kale ay qoladaasi mar kale usoo cusboonaysiiyeen boobka dhulkaasi , iyagoo ku rogtay dhagaxaan markii aan weydiiyey sababta haatan ay dhigaxaasi u dhigteenne waxay iigu awaabeen waan iibsannay .Kadibna booliska ayaa soo qabtay hase yeeshee waxa sii daayey xeer ilaaliyaha gobolka isla markaana iga horoogsaday inaan dacwad ka dhan ah u gudbiyo maxkamadda.
Sidoo kale ayaa xeer ilaaliye Axmed Mire hay’adaha dalkhliga ku wargeliyey inaysan iga qabanin cashuurtii igu waajibtay ee dhulkaasi ka bixin lahaa, waxa kale oo kala diray markhaatiyadii waagaasi iyo kuwa haatan ka marag kacay lahaanshahayga dhulkaasi , haatanna aan ka dhursugayaa waxa maxkamaddu ka yeeli doonto kiis madani ah oo aan si dadban ugu gudbiyey, markii xeer ilaaliyuhu iga horoogsaday inaan dacwaddaasi mariyo meeshii ku habboonayd. waxaan leehay xeer ilaaliyuhu yaanu noqoqnin masuul la safta dembiilayaasha ku mamay boobka umaddana dhex ha u noqdo”.
Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyena)
Lughayanews-Borama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Xeer Ilaaliyaha G/Awdal Oo Lagu Eedeeyey Inuu La Saftay Dembiilayaal Dhulboob Ah, Kuna Xadgudbo Xuquuqda Muwaadiniinta "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback