Boorama-(Lug)-Shir ay albaabadu u xidhnaayeen oo maanta galinkii dambe u qabsoomay ururka ay ku bahoobeen dhalinyarada beesha reer Faarax Nuur ee maaciisa la yidhaa Rasmi ayaa waxa uu ka dhacay guri ku yaal Xaafada Sh. Axmed Salaan oo uu leeyahay muwaadin la yidhaa Maxmed Axmed Aadan (Qawrax). Waxana shirkan maanta goobjoog ka ahaa dhalinyaro kor u dhaafaysa 150 qof.
Fiidnimadii caawaayaa waxa shabakada Lughayanews ay soo gaadhsiiyeen masuuliyiinta ururkaasi go’aamadii ka soo baxauy shirkii ay albaabadu u xidhnaayeen ee maanta iyo waxa ay dhalinyaradaasi ka wada hadashay.
Gudmoomiye ku xigeenka ururkan Rasmi Cabdinaasir Cali Saleebaan oo isagu soo koobayay warbixintaasi ayaa waxa uu yidhi “ Shirkani waxa uu ahaa mid u gaar ah dhalinyarada Beesha (Faarax Nuur) waxa uu ahaa mid ay kaga tashanayaan masiirkooda siyaasiyaasadeed maadaama oo ay dalka ku soo food leeyihiin doorashooyin muhiim ah. Gud. Ku Xigeen Cabdiraasir ayaa isaga oo sii wata hadalkiisa waxa uu yidhi “ Waxa hubaal ah nin cidka dhalinyara Beeshu uu yahay mid muhiim ah waxana aan shirkan ka madhnayn sidii loo xoojin lahaa isku duubnida dhalinta beeesha isla markaana uu codkoodu u noqon lahaa mid hal meel wada mara.
Mar ay shabakadu wax ka sii waydiisay Gud. Ku Xigeen Cabdinaasir waxa uu yahaymasiirka siyaasadeed ee dhalinta beeshu maanta iyo waxa iska bedelay masiirkii awal lagu yaqaanay dhalinta beesha ayaa waxa uu yidhi “ Dulucdu waxa ay tahay in dhalina beeshu ay go’aansatay in ay codkooda u dhiibtaan cida u adeegaysa danaha dhalinta beesha, waxa aanan shirkii maanta ku go’aansanay in aanu yirin Xisbi ka mid ah 3da Xisbi ee siyaasadeed ee dalka oo maanta ku tashan kara codka muhiimka ah ee midaysan ee halka dhinac u wada jeeda ee dhalinta beesha. Waxa aan tani ula jeedaa waxa aan si qoto dheer uga fiirsanaynaa cida aan masiirkayaga ku aaminayno waxa aan ka fiirsanaynaa wax walba waxana noo socda shirar iyo wada tashiyo kale hadii Alle idmona waxa aan ku dhawaaqi doonaa 2da bisha June 2010 xisbiga aan ku aaminayno masiirkayaga siyaasadeed isla markaana si kalsooni leh isku barbartaagi doono.
Sikastaba ha ahaatee ururkan Rasmi ee maanta shirkan jara’id qabtay ayaa waxa uu yahay urur wax badan ka dhex muuqaday waqtigii diiwaangalinta isla markaana kaalin muhiim ah ka qaatay diiwaangalinta dadka xaqa u leh diiwaangalinta ee beesha Faarax Nuur, waxa kale oo uu ururkani yahay mid taageero xoogan ka haysta badi dhalinta ku abtirsata magaca beesha Faarax Nuur.
Magacda xubnaha dulucda kulankii maanta soogaadhsiiyay Lughayanews waa:
Gudoomiye: Axmed Cabdisamad Sh. Cumar
Gud ku xigeen: Cabdinaasir Cali Saleeban
Xoghaye: Maxamed Muxumed Faarax (Dheerayste)
Gud. Gudiga Abaabulka: Maxamed Xuseen Maxamed (Sagsaag)
Lughayanews-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Dhalinta Beesha Reer Faarax Nuur ee Reer Nuur Oo Maanta Shirtay Shaacana Ka Qaaday Inaanu Jirin Xisbi Siyaasadeed Uu Masiirkooda Siyaasadeed U Xidhan Yahay "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback