Borama-(Lug)-Wasaarada dhirta iyo daaqa ee gobolka awdal waxaa ay gabtay ayaa la odhan karaa kadib markii ay waxba ka qanban wayday xaalufka ka taagan gobolka awdal ee ay ku hayaan dhamaanba dadwaynaha iyo gaadiidka dawladuba.
inta badan waxaa ay wasaaradani ku hawlan tahay loona idmaday inay ka war hayso arimaha dhirta iyo daaqa oo loo baahan yahay waxtarkeeduna yahay marka ay u yartahay inay ku doogsadaan indhaha bani aadamka hase yeeshee kama aysan so bixin hawlihii loo idamday ee ahayd bilicada deegaanada iyo ilaalinta dhirta dalka ku hadhay ee hada sii dabar go aysa .
Wasaaradu waxaa ay lamid tahay wasaaradaha ka dhisan gobolada dalka oodhan lana bajad tahay waxaa kale oo loogu deeqay qalab xafiiseed sida Computero Photocopy iyo qalab kale oo xafiiskuba u baahanyahay ,waxa kale oo intaa dheer Gaadhi GT ah , balse waxaas oo deeq ah ee loogu tala galay Xafiiska Dhirta iyo Daaqa waxaa si gooni ah iskaga tagri fala maamulka wasaaradaasi .
waxaan odhan karnaa waa nasiib daro laxaad leh kol hadii maxadii xafiisku ay ka doorteen danahooda guud shaqadii loo igmaday oo ahayd inay wax ka qabato xalufka lagu hayo dhirta ee hada sii gaba gaboobaysa .
waxaa ay inta badan ku faanaan waxaan kawarhaynaa oo aan dhaqaalaynaa dhirta ku teedasan galbedka magaalada boorama oo lawada ogyahay cida wanaagaasi gaysatay kagana taala baaldahayaba bulsho waynta reer awdal,salal iyo dhamaanba reer somaalilnd waxaana iyada oo looga baahan yahay hawlaha wasaaradaasi sida mudane X. Ibraahin Magan Nuur oo ahaa maayarkii ka fuliyay barnamijak soonoolaynta dhirta iyo daaqa ku gadaaman galbeedka magaalada boorama ee kal qaybisa magaalada iyo xaafadaha xaaslayda.
mudadii uu Maayarka ka ahaa Ina Magan magaalaa Borama ayaa wxaa uu u qabtay shaqaale uu ugu talagalay inay daryeelaan deegaanadaasi wixii quutal daruurigooda ahna ay daaqaas ka baxaaya noloshooda kale ku maareyaan , balse taasi may suuroobin oo waxaa uu damac laaxaad leh uu ka galay daaqa meesha ka baa maamulka wasaarada ku shaqada leh dhirta iyo daaqa.
Dhanka kale waxaa jira warar sheegaya in lagu xidhay arimhaasi laba nin oo ka danbeeyay midkamida gaadiidka dawaladu in lagu soo guro qaybo kamida dhirta ka baxda duleedka koon fureed ee magaalada boorama oo ay kusoo daabulayeen dhirta nooceedu yahay sogsog loona soo gudbinayay sida ay wararku sheegayaan gudaha magaalada borama .
dhanka kale waxaad arkaysaa gaadiidkii dawlada oo daryeel la aan daraadeed cidlada u wada yaala oo aanay jirin masuul ka damqanaaya xoolahaasi dawlada ee cidladaasi ku baylahsan,gaadhigaasi sawirakn ka muuqda ee noociisu yahay VX ka midabka Casaanka ah leh waxaa uu mudo badan dhex yaala banka gariyaadka oo cilad aan sidaa u sii waynayn darteed halkaasi loogu iloowbay .
Hadaba waxaa haboon in la is waydiiyo cida dusha u ridanaysa masuuliyada Gaadiidka dawlada ee daayac tir la aanata cidlooyinka u teedsan .




Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Maxay Wasaarada Dhirta Iyo Daaqu Kala So-cotaa Arimaha Xaalufka Kataagan G/Awdal Ee Ay Ku Hayaan Dadka Iyo Dawladuba? "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback