Boorama-(Lug)-Buunadadan cusub ayaa waxa ay noqon doontaa mid wax wayn ka tarta isku socodka ganacsiga iyo baabuurta ee jidka isku xidha Baki iyo Boorama, waxana maanta dhagaxa dhigay Badhsaabka gobolka Awdal
oo uu weheliyo Gud. Ku Xigeenka Jaamacadda Camuud iyo saraakiil sarsare oo ka socotay hayadaha FAO oo maalgalisay Dhismahan iyo hayada DRC oo fulinta iska leh. Waxana qandaraaska dhismaha shirkadan qaatay shirkada dhismaha ee Warsame oo fadhigeedu yahay magaalada Hargaysa.
Munaasabadan ayaa waxa ka hadlay Badhasaabka gobolka Awdal Maxamuud Sh. Cabdilaahi Cige waxana uu umahadnaqay maalgaliyaasha iyo shirkada dhisaysa buundadan waxana uu xusay inay noqon doonto mid wax wayn ka tarta isusocodka Baki iyo Boorama iyo waliba sidii ay beeralayda degaanka Baki u iibkeeni lahaayeen khudrad waqti haboon ku timaada. Badhsaabku waxa uu dadka degaanka ku dardaaray inay ilaashadaan biriishkan cusub maadaama oo uu faa’iido wayn u leeyahay bulshada.
Gud. Ku Xigeenka Jaamacadda Camuud Prof. Axmed Cabdilaahi Boqore oo madashan ka hadlay ayaa waxa uu ku tilmaamay wax lagu farxo in umada beeralayda ah ee ka ganacsata khudaarta loo dhiso buunadadan, waxa kale ooo uu xusay inay Jaamacadda camuud iyaduna ka faa’iidi doonto buundo kale oo dhismahan ku lamaan oo ah mid ka gudbi doonta deexada Isha-Cobosha”.
Eng. Axmed Warsame Siciid ooka hadlay madashana ayaa waxa uu sheegay in buundadan ay ku bixi doonto lacag badan isla markaana ay ku dhamaan doonto mudo 2 bilood ah, waxa kale oo uu xusay in shirkadan warsame ay ka wado degaanka Boorama 3 Mashruuc oo kala ah Kawaank, Jidka Laamiga ah iyo Buundooyinkan Cusub.
Rashiid Istareex oo ka socday hayada FAO oo maalgalinaysa buundadan ayaa waxa uu tilmaamayinay hadadani siwayn ula shaqayso dadka beeralayda ah waxana uu xusay inay Buundadan dhismaheedu uu ku yimid baahida dadka beeralayda ah ee degaanka.
Kuxigeenka Duqa deg. Baki Xuseen Maxamed Geele oo isaguna ka hadlaymadashan ayaa ku dheeraaday ahmiyada uu biriishkani uleeyahay dedka degaanka isagaoo xusatay in baahida loo qabo buundadani ay ahayd mid ilaa mudo hore soo taagnayd Buundadan oo laga dhisayo inta u dhaxaysa Camuud iyo Baki ama Dooxada loo yaqaan CADO GALIILO ayaa waxa ay isku xidhi doontaa wado uu dhererkeedu yahay 17km oo isku xidhi doonta Baki iyo Boorama waxana ay buundadani tahay buundadii ugu horaysay ee nooceeda ah ee laga deso bariga gobolka Awdal waxana ay tahay mid faa’iido wayn ku fadhida.
Wariye:-
Abokor Xasan Caafi
Lughayanews-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Buundo Cusub Oo Lag Dhisi Doono Dooxada Cado Galoolo Oo Isku Xidhi Doonta Baki iyo Baarama Oo Maanta Dhagax La Dhigay "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback