cuqaasha-beehha-reer-axamed.JPGBoorama-(Lug)-18 ciqaal salaadiin iyo madaxdhaqameedyo isugu jira oo ka tirsan beesha Reer Axamed ee dagaamka Boorama ayaa maanta ku qabtay shir jaraa’id hoteel Rays ee magaalada Boorama, shirkan jaraa’id ayaa waxa ay dulucdiisu ahayd sidii ay u beenin lahaayeen shir jaraaid oo ay hore u qabteen cuqaal iyo aqoonyahan ka tirsan beesha oo ay ku cadeeyeen inay ku biireen xisbiga Kulmiye.

cuqaasha-beehha-reer-axamed.JPG

Oday Axmed Kaahin Giire oo ka hadlay madashii maanta ayaa waxa uu sheegay in uumasiirka siyaasadeed ee beeshu wali yahay Xisbiga Ududb isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi “ Wiilkaagu kuuma taliyo ee adiga ayaa u taliya beeshuna waxa ay ku socotaa talada cuqaasha sidaasi darteed waxa uu mawqifka beeshu yahay mid aan is bedelin oo wali salka ku haya xisbiga Udub”.

Oday Aw-cali Caateeye oo isaguna ka hadlaymadashan ayaa xoojiyay go’aankan waxana uu yidhi “ Ma jirto inay beeshu qaybsantay waxa ay beeshu leedahay hal hogaan waxbana kama jiraan go’aankaasi ay dhalinyaradu ku dhawaaqday, waxa aan markale ku celinaynaa in beeshu ay waligeedba ahayd xisbiga Udubmaantana tahayw aligeedna ahaan doonto.

cuqaasha-beesha-axmed-yoonis.JPG

Suldaan Faarax Maxamuud Nuur oo isaguna ka hadlay madashan ayaa waxa uu eebe ka baryay in uumada doorashooyinka soo socda ugu rido si nabadgalyo ah, waxa kale oo uu yidhi “ Qof walba isaga ayaa xaq uleh meesha uu marayo koox dhalinyaro ah oo dano gaar ah lehi ma matasho masiirka beesha waxana aan beeninaynaa hadalka laga baahiyay idaacadaha ee odhanaya beeshu waxa ay ku biirtay Kulmiye ma nihin kulmiye beeshu waxa ay si buuxda u taageersan tahay xisbiga Udub waana go’aan ka soo go’ay hogaanka beesha.

Oday Maxamuud Aye faarax oo ka hadlay madashan ayaa yidhi “ Aniga magacayga waxa lagu qoray jaraa’idka waxana la yidhi waxa uu ka mid ahaa inta isbeshay kumana jira, waxa aan leeyahay waan cambaaraynayaa waxa aan ka xumahay in magacayga laga been abuuro waxa aan leeyahay dhalinyaradu waa xor laakiin ma ha inay been ka abuuraan cid aan jirin, waxa aan leeyahay maslaxada beeshu waa mid  cad waxana aan taageersanahay xisbiga UDUB.

Suldaan Xasan Xadi Baade oo ka hadlay madashan ayaa waxa uu u hadlay si balaadhan waxana uu yidhi “  waxa aan maqalnay inay dhalinyaro yaryari ka hadashay idaacada waxa aan halkan ka cadaynaynaa in inamadaas yaryar ee cadhooday ay yidhaahdeen garab baan nahay mana aha garab ayaan leenahay, waa inamo cadhooday beesha intii u talinaysay hanoqoto Cuqaal Salaadiin Aqoonyahan iyo Indheergaradba beeshu waxa ay ku taliyaan ayana raacaysaa sidaasi la’ajligeed beeshu waa Udub waxana ay ahaanaysaa Udub.

Wariye:-
Abokor Xasan Caafi
Lughayanews-Boorama